berberatoday.com
Prof. Axmed Ismaacil Samatar Saddexda Xisbi, Mid-ba Meeqaam Keebu ku Yeelanayaa, Hankuusi Halkuu’se Gaadhsiisan yahay Madaxweyne ila Ku-xigeen, Maxay’se Xisbiyaddu Ka iibinayaan? Faallo Wariye Cabdicasiis Bashiir Nuur
June 1, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Prof Axmed Ismaacil Samatar oo maalmo kahor dalka dib ugu soo laabtay ayaa markii u horreysay shaaciyey inuu si toos ah ugu biiraayo mid kamid ah Saddexda Xisbi Qaran ee Dalka, isagoon bulshada u iftiimin xisbiga ka Ibiyey Hadaf Siyaasadeed oo uu la dhacay.

Haddaba, waxaynu faallo kooban bixin doona saameynta Prof. Axmed ku yeelanaayo saddexda xisbi Qaran midkuu ku biiro iyo sidoo kale, hadduu jiro han uu leeyahay mustaqbalka oo ku saabsan mansab xilleed xisbi ama xukuumadeed. Aan ku horreyn hadduu jiro hunguri ka hayaa Kursi Madaxweyne ama ku xigeen saddexda xisbi ma uga banana yihiin’se jagooyinkaas, jawaabtaasi waa haa oo jaanista labadaas jago midkood wuu u banana yahay, halkeyse uga banana yihiin saddexda xisbi.

Xisbiga Kulmiye waxa uu dhowaan Doortay Musharraxiintii ugu tartami lahayd Doorashadda soo socota ee madaxweynaha iyo ku-xigeenka, iyaddoo shirweynihii shanaad ee xisbigaasi lagu soo doortay Musharrax Madaxweyne Muuse Biixi iyo Ku-xigeen Cabdiraxmaan Saylci, sidaas daraadeed Prof. Axmed Ismaacil Samatar ugama banana xil sare, hadduu Xisbiga Kulmiye ka doonaayo Wasiir, Xisbiga Kulmiye weli dalka ayuu haystaa oo wuu siin karaa wasiir am axil kale hadday ku qanciyaan, balse Prof. Samatar ma suggi karaa inuu hadda intuu ku biro xisbiga Kulmiye kaldanbena uu isku soo sharraxo Musharraxa Kulmiye, Su’aashaas Jawaabteeddu waa mayaa, waayo Prof. Axmed Da’ ahaan waa Nin weyn oo hadda wixii ka danbeeya hawlahaas iyo kuwo kale toona ma geli karo. Sida awgeed jaanis badan oo uu ku gaadho hadafkiisa Siyaasadeed kulmiye ugama banana Axmed Ismaacil Samatar.

Xisbiga Waddani weli muu dooran Musharaxiintii uga qaybgeli lahayd Doorashadda madaxtooyadda Madaxweyne iyo Ku-xigeen midna. Prof. Axmed Ismaacil Samatar hadduu ku biro wuxuu u tartami karaa inuu isku soo taago Musharraxa guud wallow uu jiro culeys aanu ka gudbi karayn oo ku gaadheyn Musharaxa madaxweynaha Xisbi Waddani, maadaama oo uu Musharrax u yahay Gudoomiyaha xisbiga oo dhaqaale iyo maskax badan kusoo dhisay xisbiga, sidoo kalena haystaa awood aan la loodi karayn dhinaca kaaderiinta Xisbiga ama xubnaha golaha dhexe oo iyagu gacanta ugu jira dhamaantood.

Waxa kaloo, uu Xisbiga Waddani uu ku tartami karaa Prof. Axmed Samatar jagada Madaxweyne ku-xigeenka, kaasoo intaa badan xisbiyadda Somaliland siiyan Beesha uu hayb ahaan kasoo jeedo, hadana waxa horyaala oo ku gudban caqabado, inkastoo jaaniska keliya ee ugu muhiimsan xisbiga waddani u yaala uu yahay. haddana booska Musharraxa madaxweyne ku-xigeenka ee XisbigaWaddani Rag-baa kaadidooda usoo cabbay cudud iyo dhaqaale-na geliyey, kuwaasoo ay isku wada hayb ah ugana soo horreeyen xisbiga Prof. Axmed, hadana wuxuu ka qaadi karaa calafkiisa oo wuu isku Miineyn karaa.

Xisbiga Ucid; wuu ka duwan yahay labadaas xisbi ee kale, waxanu isaggu leeyahay Musharrax Madaxweyne oo keliya, kaasoo ah aqoonyahan Jamaal cali Xuseen oo ay si xeel-dheer saaxibo dhow u yihiin Prof. Axmed Ismaacil Samatar , waxana ka banana Booska Musharraxa Madaxweyne-kuxigeen, ooh ore uu isakaga casiley aqoonyahan Cabdirashid Xasan Mataan. Sidoo kale, Xisbiga Ucid dad badani waxay u arkaan hadduu ku biro inuu jaanis u heli karo Prof. Samatar jagada Musharrax Ku-xigeenka Xisbigaas oo uu ka qaato meel cidlo ah, cidina aanay kula tartamin. Hase-yeeshee waxa Xisbiga Ucid ka dhex jiraa cudur ba’an kaasoo aqoonyahanka lafteesu in badan ka hadlay oo la yidhaahdo Khilaaf. Waxana uu hadda xisbigu ku jiraa dacwad u dhaxaysaa hoggaanka sare ee xisbiga oo kala ah Gudoomiyaha iyo Musharraxa oo wata xisbiga intiisi badnayd. Hadana dadka lafa-gura Siyaasaddu waxay sheegayaan in Prof. Axmed Samatar uu xal u noqon karo xisbiga Ucid, isla markaana hadii ay jaanta isla helaan aqoonyahanJamaal iyoProf. Axmed inay dalka wax badan ka bedeli karaan… la soco cadadka danbe

W/Q

Cabdicasiis Bashiir Nuur

C.casiis98@hotmail.com

Tel; 4144434

Hargeysa/Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews