berberatoday.com
War Deg Deg Ah ” Weerar Ismiidamain ah oo lagu qaaday Hotelka Ambasador ee magaaladda Moqdisho iyo Rasaas xoogan oo ka dhacaysa gudaha Hotelka…
June 1, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Arbaca.01.06.16Moqdisho(Berberatoday.com)Qarax xoogan oo goor dhow abaare 5:40 daqiiqo galabnimo lagu weeraray hotelka Ambasador oo ku yaalla wadada Maka Al-Mukarama meel ku dhow isgoyska Km4 ee magaalada Muqdisho.Muqdisho

Rasaas xoogan ayaa qaraxa ka dib ka bilaabatay halkaas iyadoo wararku sheegayaan in rag hubeysan ay gudaha u galeen hotelka, waxaana goor dhow goobtan gaaray ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowlada Somalia, waxaana hotelka dhexdiisa ka socda dagaal.

Dhowr qarax oo kale ayaa halkaas laga maqlay, waxaana wararku sheegayaan in qaraxa hore oo loo adeegsaday gaari miineysan lagu dhuftay albaabka dambe ee hotelka, waxaana ka dib halkaas ka soo galay ragga hubeysan ee gudaha ugu jira hotelka.

Xildhibaano iyo dad kale oo qurba joog ah ayaa degan hotelka Ambasador oo ka mid ah hotelada ugu waaweyn magaalada Muqdisho, lamana oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay weerarkan oo weli soconaya.

Waxaa weerarkan uu ku soo beegmaya saacado ka dib markii maamulka Jubba ay soo bandhigeen meydadka saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo uu ku jiro Shiikh Maxamed Dulyadeyn oo horey madaxiisa lacag loo dul dhigay, kuwaasoo lagu dilay weerar xalay ciidamo Soomaali iyo Maraykan isugu jira ku qaadeen degaanka Buulo guduud.

Wixii warar ah ee ku soo kordha qaraxan kala soco wararkeena goor dhow INSHA ALLAAH.

 

Xigasho Allbandir

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews