berberatoday.com
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Britain Oo Kusoo Wajahan Magaalada Muqdisho
June 1, 2016 - Written by Berbera Today

London(Berberatoday.net)-Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain, Philip Hammond ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah uu booqasho maalin ah ku yimaado xarunta Somalia ee Muqdisho.

201661636003540966212220101721461-Philip_Hammond_1910x1000

Philip Hammond, ayaa la kulmi doona Madaxda Dowladda Xamar, isagoo kala hadli doona Waqtiga kala guurka Doorashooyinka la filayo inay bisha Ogoosto ee sannadkan ka dhacaan Dalka.

Sidoo kale, Xoghayaha Arrimaha Dibadda UK, ayaa la kulmi doona Madaxda Safaaradda Britain ee Muqdisho, isagoo kala hadli doona Xaaladda Soomaaliya iyo sida wax looga qaban karo.

Dowladda UK, ayaa dhawaan ciidammo u soo dirtay Somalia, kuwaasoo Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Somalia ka taageeri doona dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo weli qaybo ka mid ah dalkaas ka taliso.

Booqashadan waxay noqonaysaa tii saddexaad oo Xoghaye Arrima Dibadeed oo Britain ah uu ku yimaado Somaliya, iyadoo sannadkii 2012-kii uu Muqdisho safar maalin ah uu ku yimid xoghayihii hore ee Britain, William Hague, sidoo kale Sanadkii 2013-kii ayuu Muqdisho u yimid Hague si uu u furo Safaaradda Dowladda UK ee Somalia.

Ugu dambeyn, Maalinta Jimcaha iyadana lagu wadaa in Muqdisho uu soo gaaro wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyib Erdogan oo markii saddexaad isaguna imaanaya Muqdisho.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews