berberatoday.com
Khasaaraha Weerarkii Shalay Kadhacay Huteel Ampasador Ee Magaalada Muqdisho
June 2, 2016 - Written by Berbera Today

hutelkaMuqdisho(Berberatoday.com)-Inta la ogyahay 15 qof ayaa ku dhintay 50 kalena way ku dhaawacmeen qarax iyo weerar lagu qaaday Huteel Ampasador ee magaalada Muqdisho.

Laba xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa ku dhintay weerarkaasi lagu qaaday Huteelka, waxaana la sheegayaa in laga badbaadiyo xildhibaano kale oo deganaa huteel Ampasador.

Dhaawaca ayaa lagu daweynayaa cisbitaalada magaalada Muqdisho iyadoo la sheegayo in xaalada caafimaad ee dadkaasi ay aad u liidato.sidoo kale waxaa la sheegaya in saaka huteelka gudihiisa laga  helayo dhaawacyo  kale maadaama uu huteel soo gaadhay burbur xoogani.

 

Xarakada Alshabaab ayaa sheegatay qaraxan lagu qaaday Huteel Ampasador iyadoo kusoo beegmaysa xili shalay dawlada Somaliya sheegtay inay dishay Sheekh Dulyadeyn oo ka mid ahaa saraakiisha Alshabaab.

Wasiiro ka tirsan dawlada Somaliya iyo taliyaha ciidanka Nabadsugida  oo xalay warbaahinta kula hadlay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in ciidamada somaliya ka hortageen khasaare badan oo ay gaysan lahaayeen maleeshiyada Alshabaab, iyagoo sidoo kale sheegay in la toogtay saddexdii nin ee weerarka soo qaaday.

Magaalada Muqdisho waxaa inta badan kusoo noqnoqda weerarada lagu qaado huteelada iyadoo lagu soo beego qaraxyadaasi marka ay Somaliya ka jirto xaalad siyaasadeed oo kacsan ama qodobo ay isku mari laayihiin maamulka dawlada Federaalka Somaliya.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews