berberatoday.com
Madal Ay Isku Murux-sadeen Guulwade Faysal, Maxamed Kaahin Oo Shaadh Qabiil Xidhan, Xildhibaano Saaxil Laga Doortay Oo Si Kulul Uga Dooday Wareejinta Dekeda
June 2, 2016 - Written by Berbera Today

“Horta Faysal Waligiiba Guul Wade Ayuu Ahaa, Dalkana Sharcibuu Leeyahay Heshiiskana Socon Maayo Ilaa Golaha Wakiilada La Horkeeno oo Laga Doodo”. Xildhibaan Siciid cilmi rooble. “Maxamed Kaahinoow Abti Meel Cidlo Ah Oo Taar Ku Wareegsanyahay Ayaynu Ku Heshiin Waynay Sidee Baynu Berbera Oo Camiran Ugu Heshiin Karnaa”. Xildhibaan Waysa-cade.

Hargeysa(Berberatoday.com)-Kulan Xaasaasi ah oo Lagaga Hadlay Wareejinta Dekeda Berbera oo Kasoo Qaybgaleen Wasiiro, Xildhibaano Baarlamaanka, Saddexda Xisbi Qaran, Siyaasiyiin iyo Aqoonyahan Ayaa  Maalintii Shalay Lagu Qabtay Hotel Maansoor Magaalada Hargeysa. Waxaana Goobtaas Laysku Waydaarsaday Hadalo Adag Oo Laysku Ganay, Weedhahii Ugu Kululaa Waxay Dhexmareen Muj. Maxamed Kaahin Oo Qaab Deegaan Uga Hadlay Arinkii Dekeda iyo Xildh. Axmed Waysacade oo Kulmiye ah Ayaa Jawaab Kulul Kaga Falceliyay:- 
Muj. Maxamed Kaahin Ayaa Hadlay “Reer Saaxil Waxaan Leeyahay Abtiyaal Waxaad Hore U Diideen Inaad Gashaan Haamihii, In La Kiciyo Warshadii Sibidhka Maanta Dekeda Inaad Soo Dhowaysaan Baan Laydin ka Sugayaa, Maaha Inaad Ka Hortimaadaan Horumarka”.
Xildh. Axmed Waysacade “Maxamed Kaahinoow Abti Meel Cidlo Ah Oo Taar Ku Wareegsanyahay Ayaynu Ku Heshiin Waynay Sidee Baynu Berbera Oo Camiran Ugu Heshiin Karnaa”
Sidoo Kale Xildh.  Siciid Cilmi Rooble Ayaa Weedho Kulul Ku Ganay Gud. Faysal Cali Waraabe oo Si Jibaysan Uga Hadlay Arinka Dekeda Isagoo Sheegay Inaan Heshiisku u Baahnayn In La Horgeeyo Golaha Wakiilada Maadaama Uu Dalka Faa’iido U Leeyahay Waxaanu Faysal Yidhi “Maalgalinta Dekeda Berbera Waxba Ugma Baahna In Lasoo Mariyo Golaha Wakiilada Mar Haduu Dalka Faaiido U Leeyahay Waan In Lagu Dhaqaaqo, Maaha Inay Cidi Isku Dhajiso” 
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooblle Ayaa Hadalkii Qabsaday Isagoo Si Adag Ugu Jawaabay “Horta Faysal Waligiiba Guul Wade Ayuu Ahaa, Dalkana Sharcibuu Leeyahay Heshiiskana Socon Maayo Ilaa Golaha Wakiilada La Horkeeno oo Laga Doodo, Faysal Waxaan Leeyahay Ban Cidlo Ah (qoolcaday) Ayaad Ku Dagaalantay oo Aad Diiday In Biyo Laga Qodo Waabase Berbera Oo Camiran Caqligaa Halkeed Ka Keentay Faysaloow”
Berberatoday.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews