berberatoday.com
“Himiliyo Qorshaa Lagu Galaa Hawlo Qarameede,Horseed Li,ida Geediga Habow Lagu Hayaanshaaye,Reerkaan Hormuud Sahan Unoqon Guul Ma Hayb-sado’e,Haldoor Xumo Bulshada Way Hodaa Hayjad Waw Wehele.Gabayga HEBBED Iyo Abwaan Xiis Maxamed Cilmi(Shanfool)
June 3, 2016 - Written by Berbera Today

Himiliyo qorshaa lagu galaa hawlo qarameede.

Horseed li,ida geediga habow lagu hayaanshaaye.

Reerkaan hormuud sahan u noqon guul ma hayb-sado’e.

Haldoor xumo bulshada way hodaa hayjad waw wehele.

Waa lagu hungoobaa rejeda ficil u hoosayne.

Afartaa dheh hadal guud mariyo gabay horaantiisa.

Afar kalena waa hindise iyo shaacir hadafkiiye.

Ma holaday hamiga gubaya-baan laabtu hayn karine.

Hadh dacaar hurdada laguma gamo amase hoosiise.

Hujuunkaba marbaa jira macaash lagala hooydaaye.

Hub wax dila rasaas halis ah Iyo saanad lagu hoobto.

Lid hawada muquurtiyo gantaal samada heehaaba.

Badda hawsar quusiyo madfaca laysku halakeeyo.

Inta lagu halaagmiyo adoo heegan adag haysta.

Habrashadu marbay tahay gunimo hurin cabsootaaye.

Waa sharaf halyaynimo ku dhimo hiilka geesiguye.

Haro buuxda hogol & daruur adiga oo haysta.

Ka Haraadanow sow iyana haydalnimo maaha.

Gudcur hiimse hiimse qofkuu aragu hooseeyo.

Himbiriirsashada waxa ku luma ruux habeeno lehe.

Horu-socosho waxa laga dhaxlaa hodan ku nooloow’e.

Mar haddii hankaaguba yar yahay waadigaa hadhaye.

Hambo sooryadeed waa nusqaan hilibka quudheede.

Huubada nin deeq moodayaa hayska heensado’e.

Haash waxa gudoonsada dagaag weyda huursada’e.

Caqligoo hunguri maamulaa haragna dheef moodye.

Hanti badan adoo kaydsadiyo haamo wada buuxa.’

Raganimada hoo waa ku ceeb hebel wax ii dhiibe.

Gacan haadiskaygiyo tixahan nuxurku hoseeyo.

Hawraar wax sheegmo ah murtida waxan u heenseeyay.

Dad-baan hoga tusaalaynayaa baaq ku hagayaaye.

Sarbeebaha Hubsiimo u lahow liiti waa hebede.

ALLAA MAHAD LEH DHAMAAD

XIIS MAXAMED CILMI (SHANFOOL)

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews