berberatoday.com
Wasiirka Diinta Iyo Awaafta oo Xadhiga Ka Jaray Hudheelka Casriga Ah Ee East Africa Hotel oo Laga Hir Geliyey Caasimadda Hargeysa (Sawiro)
June 3, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.net)-Wasiirka diinta iyo awqaafta somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa xadhiga ka jaray huteelka  casriga ah ee Eas Afrika Hotel oo laga hir geliyey magaalada Hargeysa.

IMG_9457.JPG

Munaasibad xadhiga lagaga jarayey Huteelkan cusub oo ka dhacday xarunta Hotel-kaas ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirka diinta iyo awqaafta somaliland sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, wasiir ku xigeenka wasaarada Maaliyada Axmednuur Aw Cabdi Shaacir, gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada Cali Yuusuf Axmed, Agaasimaha Hay’adda abaabul ka saarka qaranka Ibraahin Axmed Raabi, ganacsade Bidhaan iyo marti sharaf kale oo qiimo badan.

Wasiirka diinta iyo awqaafta somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo ka hadlay furitaanka Hoteelkan cusub ee East Afrika Hotel ayaa u duceeyey mulkiilaha lacagta badan galiyey waxaana hadaladisii ka mid ahaa “Waxaynu maanta leenahay maansha allah tabaaraka laah, ilaahayna haw barakeeyo mulkeele Yaasiin Aw Yuusuf hudheelkan qiimaha badan ee uu ka hir geliyey magaalada Hargeysa, ilaahayna waxa uu ina faray inaynu dhulka maal gashano oo aynu camirno, waxaanan leeyahay ilaahay mulkiilaha haw barakeeyo maalkaas uu  galiyey hudheelkan ee uu dalkana ku qurxiyey mar labaadna uu ilaahay miisaanka xasanaadka ugu daro maalka xalaasha ah ee uu mulkiiluhu galiyey hudheelkan.”

Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada somaliland Cali Yuusuf Axmed oo ka hadlay munaasibadan  ayaa sheegay in hudheelkan aad loogu baahnaa, waxaanu yidhi “Sidii loo sheegay xaafada laga hir geliyey hudheelkani way u baahnayd, Xaaji Bidhaan Iyo Yaasiin oo ku dhiiraday waynu u ducaynaynaa ilaahay haw barakeeyo, kuwo kalana waynu filaynaa, caasimaduna waxay caasimad ku noqonaysaa marka la camiro ee wixii loo baahan yahay laga helo, Hargeysa intii aanu dhicin dagaalkii SNM muu jirin hudheel hagaagsan oo la galaa, iyada oo magaaladii burburtay  hadana maanta inta hudheel ee quruxda badan ee soo korodhay tiro ma lahaa, waanan u ducaynayaa mulkiilaha waxaanan leeyahay aqal in la dhisaa ay fududahay laakiin in shaqo wanaagsa la galiyo ayaa dhib badan, sidaas darteed shaqo wanaagsan galiya.”

Mulkiilaha Guud ee Huteelka casriga ah ee East Afrika Hotel Yaasiin Aw Yuusuf oo isaguna munaasibadan ka hadlay ayaa u mahad celiyey dhamaanba dadkii ka soo qayb galay furitaanka hudheelkan, waxaanu sheegay inay  Hudheelka gudihiisa ka hir geliyeeen dhamaanba adeegyadii ay dadku u baahnaayeen waxaanu yidhi “ Dhamaanba dadka sharafta leh ee nagala soo qayb galay furitaanka hudheelka waad mahadsan tihiin sida quruxda badan ee aad noogala qayb gasheen inaad xaflada hudheelka ka soo qayb gashaan, waxaanu ku dedaali doonaa inaanu dadka soo dhawayno oo aanu si raaxo leh ugu shaqayno, guri walbana waxaanu dhignay sijaayada si xaga diinta loogu roonaado iyo wax kasta oo looga baahnaaba.”

 

Ugu danbayntiina wasiir ku xigeenka wasaarada maaliyada Somaliland Axmednuur Aw Cabdi Shaacir oo ka hadlay munaasibadan  ayaa u mahad celiyey mulkiilaha Huteelkan una duceeyey waxaanu yidhi “Waxaynu leenahay ilaahay mulkiilaha ducada haw aqbalo, ilaahay haw barakeeyo, ilaahay qaar kale hawgu soo daro, ilaahay wixii uu sameeyeyna ajarkeeda ha siiyo, mulkiiluhuna wax wanaagsan ayuu sameeyey waanu mudan yahay in loo mahad naqo.” Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay wasiir ku xigeenka wasaarada maaliyada Somaliland Axmednuur Aw Cabdi Shaacir.

Sidoo kale wasiirka diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo masuuliyiintii kale ayaa mid mid u soo maray qaybaha uu ka kooban yahay huteelkan casriga ah ee East Africa Hotel.

IMG_9443.JPGIMG_9457.JPGIMG_9461.JPGIMG_9457.JPGIMG_9454(1).JPGIMG_9446.JPGIMG_9463.JPGIMG_9474.JPGIMG_9476.JPGIMG_9479(1).JPGIMG_9496.jpgIMG_9493(1).JPGIMG_9492(1).JPGIMG_9490(1).JPGIMG_9500.JPGIMG_9509.JPGIMG_9510.JPGIMG_9512.JPGIMG_9546.JPGIMG_9535.JPGIMG_9534(1).JPGIMG_9516(2).JPGIMG_9550.JPGIMG_9552.JPGIMG_9559.JPGIMG_9566.JPG

Berberatoday.net

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews