berberatoday.com
Diinta Islaamka miyuu ku dhashay Muhamed Ali Kalaay mise Wuu soo islaamay ?
June 4, 2016 - Written by Berbera Today

Muhamed Ali Diinta Islaamka wuu qaatay, Waxaana laga joogaa 52 sano. Markii ugu horeeysay ee uu ku guuleystay Bilada ugu qaalisan feerka ayaa waxaa la maqlay subaxdii inuu Maxamed qaatay Diinta Islaamka isagoo kamid noqday Ururka islaamka ee “Nation Of Islam”.

• Magaciisa hore maxaa la oran jiray ?

Cassius Clay ayaa la oran jiray, waxaana magaca ka badalay aas-aasihii ururka Islam Of Nation, wuxuuna 1964 u bixiyay Muhamed Ali Clay.

• Meeqo jeer ayuu noqday Champion ?

3 jeer ayuu qaaday Maxamed Cali Biladda ugu qaalisan Tartanka Feerka, Waxaana la sheegaa inuu yahay ninkii ugu fiicnaa ee Soo mara Isboortiga adag (Big Athlete).

• Cudur Noocee ah ayuu qabay Maxamed ?

Maxamed Cali markii uu ka fariistay Feerka ayaa lagu helay Cudur ku dhaca Sambabada iyo Neefta, Sidoo kale Waxa uu lumiyay Xusuusta. 1984 ayaa la sheegay in laga helay Cudurkaas, waana sanadkii uu ciyaaraha ka fariistay.

• Shaatiga Feerka Maxaa looga Xayuubiyay?

Maxamed Cali wuxuu diiday inuu ka qeyb qaato wajibaadka wadanka oo uu caawiyo Askartii USA oo 1967 dagaal kula jiray Dowladda Vietnam.

“Aniga iyo Vietnam wax colaad ah nagama dhaxeeyso” hadalkaas ayaa laga hayyaa Kalaay.

Waxaa laga qaaday Biladaha uu ku guuleystay oo dhan, Shaatiga Feerka iyo sidoo kale Baasaboorkiisa waayo waqtigaas qofka diida inuu dagaal galo qaab noocaan ah ayaa loo ciqaabi jiray.

• Maxamed Cali wuxuu Hollywood ka diiday in magaciisa lagu qoro Dhulka, madaama uu wato magaca Nabi Maxamed SCW

• Soo laabashadiisa Feerka iyo Gurxankii Keynta

Maxamed Cali markii uu kusoo laabtay Feerka 1970, ayaa waxa uu ka qeyb galay tartankiisa ugu dambeeyay oo ahaa mid taariiqda adduunka baal dahab ah ka galay.

Tartankaas oo kala reebto ahaa ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Cali. Lakin Maxamed Ciyaarta oo dhan si xun ayaa loo feerayay balse Iyadoo guusha laga qaadi rabo wax ka dhiman 50 ilbiriqsi ayaa halmar Maxamed Cali uu feer riday, waxaana suuxay Frazier oo ahaa ninka Finalka uu kula feertamayay.

Tartankaas waxaa loo bixiyay “Gurxankii Keynta”.

• Caruurtiisa

Waxa uu dhalay 8 caruur oo lagu kala magacaabo Jamillah, Maryuum, Hana, Laila, Khaliah, Miya, Muhammed JR iyo Assad.

• Hadaladii ugu Xiisaha iyo Layaabka Badnaa Ee Laga diiwaan galiyay

“Allah waa kan ugu weyn”….

“Tartanka Feerka aniga uma baahni ee isaga ayaa ii baahnaan doona”…

“Markaan ka fariisto ciyaaraha Hurdo dheer ayaan raba inaan galo aan soo laabasho lahayn”….

“Caafimadkeeyga Gacmaha Alle ayey ku jiraan, Wuu nagu imtixanayaa wax walbo”…

“Ma qancin kartid Dadka oo dhan lakin Marka aad adiga isku qanacdo ayey dadka oo dhan qanci karaan”….

Sida la sheego Tan iyo markii uu Maxamed Cali qaatay Diinta islaamka misana la arkay inuu wali ku taagan yahay ayaa dadka qaar waxa ay aaminsan yihiin Taageerayaal badan in ay kusoo islaameen. Sidoo kale Heerka ugu sareeysa Ee qof inuu Caan noqdo ayuu gaaray.

Feeryahan Maxamed Cali waxa uu ahaa qof fiican, Inbadan ayuuna diinta islaamka difaacay, Dhoormar ayuuna Makka booqday. Maanta ayuu ku geeriyooday da’da 74 sano jir markii laga waayay wax neef ah.

Allaha u naxariisto Maxamed Cali Kalaay ‪#‎Amiin‬ #Amiin

‪#‎Share‬ dheh, La wadaag Asxaabtaada si ay qormadaan ugu faa’ideystaan

W/Q: Idiris Abdulkadir Mohamed

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews