berberatoday.com
Faysalbaa Gabyoo Yidhi”Kaftan Siyaasadeed- Gabay Dheeg Macaan iyo Qadhaadh “..Miisaana Ima Saari Karo, Cali Mareexaane..Madaxtooyada Inaan Geli Jiriyo, Marinadeedaasi Marxuumkii Gaani Iyo UFO”.
June 4, 2016 - Written by Berbera Today

“..Madaxtooyada inaan geli jiriyo, marinadeedaasi Marxuumkii Gaani iyo UFO aan , marag u haystaaye Maxamed Biixi inaan keeni karo, waa midh la hubaaye Hadduu Jamaal Madaxweyne noqdo, maalo dabadooda Waa nin wax maamuli yiqiino, wuu i maan garane”.

Gabaygan oo aan kasoo dheegtay gabaygii Caanka ahaa ( Macaan iyo Qadhaadh) ee Abwaan Qaasim, IHN. Waa Gabay Xayir kaftan siyaasadeed ah oo hab farshanimo leh uga hadlaya  gedgedoonka iyo gabidhaclaynta Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Waayaha Siyaasadeed ee ku gedaaman. 
Gabay Dheegan waxaa hal-abuuray; Maxamed Dubad Gacayte. Hadaba Ila wadaaga Gabaygii “Faysalbaa Gabyoo Yidhi” 
 
“..Dacartuba marbay malab dhashaa ooy,  muudsataa dhabaqe
Waxaan ahay muxaafid  iyo mucaarid, meel ku wada yaalle
Midigtayda iyo bidixdaydu waa, laba mataanoode
Midi waa mindiyo xiirayoo, maal rasuul bixine
Midina waa muwaadin dhaboo, maagista aqoone
Masalooyin talantaaliyaan, maandha leeyahaye
Nin majiira keliyuun qabsada, hay maleeynine
Waxaan ahay nin midabaynoo, maalinbay is rogaye
Muuqaygu gelinkii kastaba waa, muuniad gooniya e
Muqdishiyo Hargeysiba, waygu murantaaye
Miisaana ima saari karo, Cali Mareexaane
Marbaan ahay mudeec camalsanoo,  Muusahaa jecele
Marna macangag qawl lahaynoo, miigan baan ahaye
Marbaan ahay muftiga xisbiyadda, muqadinkoodiiye
Marna mukhawi waashoo xumaha, miista baan ahaye
Marbaan ahay nin xaaraan maqdaca, marin jidiinkiiye
Marna tuug maal jecel baan ahay, iyo hangool madhane 
Marbaan ahay maqaam awliyaad, ma addinkoodiiye
Marnna mudanka shaydaanka iyo,  muunad caynkale e
Marbaan ahay mukhalas daran  iyo, madaxda reeraaye
Oo ay weliba muuniyo dulqaad, igu majeertaane
Marna siyaasi dadka caaya oo, muuqan baan ahaye
Muslinka iyo gaalada dirkaba, waan micne aqaane
Madaxtooyada inaan geli jiriyo,  marinadeedaasi
Marxuumkii Gaani iyo UFO aan , marag u haystaaye
Maxamed Biixi inaan keeni karo, waa midh la hubaaye
Hadduu Jamaal madaxweyne noqdo, maalo dabadooda
Waa nin wax maamuli yiqiino,  wuu i maan garane
Nin mansab jecel baan ahoo weliba, madaxu boosaystay
Ninkastoow halkii kula mudan ee ay, muhato laabtaadu
Ee aanad xisbi kale madaxdii, ugala maarmeeynin
Iska soo mar waa kuu mubaax, marinkad doonaaye”.
Maxamed Gacayte
DHAMAAD
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews