berberatoday.com
Gudoomiye muuse Biixi oo ku Hawlan Sameynta Urur-dhalinyaro Beeleeysan oo uu iskugu keeno intaa calooshooda u shaqeystayaasha ah Saaxil, maroodi-jeex iyo Ganacsade cusub oo lasoo baxay shuquladii qaar hore laga raacay. W/Q cabdifatax warsame
June 4, 2016 - Written by Berbera Today
Gudoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Biixi cabdi ayaa markii uu quuska joogsaday kasbashada bulsho weynta somaliland oo uu damacsanaa inuu Codka helo dorashada soo socotaa, ayaa dib ugu soo saqiiray soo ururinta dhalinyaro beeled qaab beeleysan wax ugu raadisaa, Kuwaasoo ku kala abtirsanaaya Laba gobol ee ay degto beesha Habar-awal ee Hargeysa iyo berbera, isaggoo wata inuu sameeyo hindise uu ku khaldo dhalinyarada uguna sameeyo urur ku magacaaban dhalinyarada ciise muuse iyo sacad muuse taageero doon ah.
Qorshahan qaran jabka ah ee muuse biixi micinka biday, waxa uu wakiishay xubno kamid ah xukuumadda iyo shaqsiyaad kasoo jeeda qoyska muuse biixi oo iyagu ganacsato isku magacawday. Masuuliyiinta Dawladda ku jira ee ololaha qabileysan ee muuse kaga mashquulay shaqadii qaranka waxa kamid ah, wasiirku xigeenka waraaba u taaga ah ee Warshedaha Cali dhagoole iyo agaasimaha Kubku Siigaalaha ah ee wasaaradda Diinta iyo aw qaafta mr saleebaan iyo nin uu muuse Biixi adeer u yahay oo xidhan shaadh ganacsade laguna magacaabo Cabdi Yuusuf isla markaana ah mulkiilaha Shirkadda Sagal jet, kuwaasoo xalay kulankii u horeeyey ee ay ku fulinaayeen amarka muuse biixi ee ahaa sameynta urur beeleed ciise muuse iyo sacad muuse ah oo taageera musharax muuse ku qabteen huteel GUULEED, inkastaa oo ay waji-gabax kala kulmeen dhalinyaraddii ay qorshahan ula tageen,  waxayse markii danbe Hutelka iskugu keenan dhalinyaradii ku nooleyd guryahooda kuwaasoo ay halkaa ugu gudbiyeen farriin ka kooban laba qodob oo kala ah.
In la taageero wareejinta Dekedda Berbera iyo sidoo kale in la sameeyo urur beeleed muuse biixi taageero loogu raadiyo oo kasoo jeeda gobolada saaxil iyo maroodi-jeex. Qorshaha ugu weyn ee muuse biixi ku kalifay inuu ficilada noocan ah ku dhaqaaqo waxa kow ka ah, kaddib markii uu guuldaro weyni kasoo saartay beelaha somaliland oo dhan oo dhabarka u jeediyey, iyaddoo ay xataa beeshiisa uu ka waayey wax taageero waxa uu hadda marayaa Musharraxii dhamma inuu kusoo noqdo caruurta ku nool guryaha masuuliyiinta iyo shaqaalaha dawladda khasab igu taageera.
W/Q
Cabdifatax Warsame Xasan 
Hargeysa/somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews