berberatoday.com
Maxaa Kuu Qorshaysan Bisha Ramdaan
June 5, 2016 - Written by Berbera Today

Assalaamu calaykum waraxmatullaahi wa barakaatuhu

Waxa ina qaadaa dhigaya udugii iyo neecawdii kasoo kamkamaysay bisha barakaysan ee  inagu soo fool leh ee ramadaan, illaahayna waxaynu ka baryaynaa inuu caafimaad qab inagu gaadhsiiyee, haddaba bishan oo billaha kale ka duwan astaamo ugaar ahna leh, dadka qaarba si bay ugu soo gashaa kuna waydaarataa, taasina waxay ka dhallataa qorshuhuu ruuxu sii dejisto intaanay usoo gelin bishani, aalaaba  dad fara badan waxay ugu beegantaa xilliyo fasaxeed, sidaa daraadeed qaarkood waxay qorshaystaan inay fasaxa kusoo qaattaan meelo aragga uroon, qaarna waxa sii goostaan bishaa inay ganacsi kaga faa’iideystaan qaar kale inay asxaab iyo qaraabo ay kala baadeen wada kulmaan qaar kale inay cibaadada kaga faa’iidaystaan bishan barakaysan IWM, dadka qaarna waaba agaraa dam bishay ku jiraan iyo ta ka baxday waa isugu mid dadkaasina waa dadka wakhtigoodii laga dhacay welina aan soo ceshan iskusoo wada xooriyoo ninba waa siduu u maamulaa raasamaalkiisa rasmiga ah (waqtiga).

haddaba waxaynu insha allaahu halkan kusoo bandhigaynaa shaqooyin qiimo iyo qaayo leh oo inoo yaalla bisha ramadaan inagoo soo koobayna.

Ugu horrayn bishan waxa suubban in layska yareeyo shaqooyinka adduunka oo haddii aan layska wada daynba in la xaddido waayo 11bilood ee kaleba adduunyaa la baadi-goobayaa haddiise aan laga maarmayn waa la qabsan karaa laynoomana diidin.

Bishan waxa lagaga faa’iidaysan karaa guud ahaan illaahay wax kastoo lagu adeecayo in la sameeyo wax kastoo lagaga fogaanayana in laga irkado loona dhawaan. cibaadooyinka muhiimka ah waxa ka mid ah soontii waajibka kugu ahayd inaad soontid waxa ka mida sadaqada, qaraaba xidhiidhinta fidinta diinta sallaad badnaan aqoon korodhsi qur’aan akhris iwm.

Dhanka kale in laga dheeraado wixii denbiya mid yar iyo mid weynba denbiyada ugu badan ee bishan dhaca wax ka mida Soon la’aanta, Xanta, Beenta, Cayda, dayacaadda Waqtiga lagu lumiyo waxyaabo faa’iido darra ah sida ciyaaraha Laadhuuda, Dubnada,Turubka iyo daawashada fillimada, Baraha bulshada oo layska dul yuurruro IWM, iyadoo dad badani u haystaan in waqtiga oo la dayacaa aanu denbi ahayn.

Bishan waa bil ay uga faa’iidaysan karaan dadka balwada lihi joojinta balwadaha ay wadi jireen ramadaan ka hor.

Haddaba, maadaama uu qur’aanku yahay cibaadooyinka ugu muhiimsan ee bishan la qabto waxaynu soo bandhigaynaa qaabka ugu fudud ee loo akhriyi karo Qur’aan badan xilli kooban.

(A)Toddobaad ku Dhamee qur’aanka

1.Subixii 10bog

  1. Duhurka 10bog
  2. Casarka 10bog
  3. Maqribka 10bog
  4. Cishaa’iga 20bog
  5. Suxuurta 30bog

(B) Saddex jeer dhamee bishii

  1. Subixii 12bog
  2. Duhurkii 12bog
  3. Casarkii 12bog
  4. Maqribkii 12bog
  5. Cishaa’igii 12bog

(C) laba jeer dhamee bishii

  1. Subixii 8bog
  2. Duhurkii 8bog
  3. Casarkii 8bog
  4. maqribkii 8bog
  5. Cishaa’igii 8bog

(D) Ugu yaraaan hal mar Dhamee bisha ramadaan adiga oo sidan raacaya

  1. Subaxii 4bog
  2. Duhurkii 4bog
  3. Casarkii 4bog
  4. Maqribkii 4bog
  5. Cishaa’igii 4bog

Intan waxaynu usoo bandhigaynaa qofku siduu ugu xisaabtamo laakiin waa lagi badin karaa illaahay waxaynu weydiisnaynaa inuu inaga dhigo kuwa bishan loo denbi dhaafo.

W/Q Maxamed Ismaaciil Xaaji Cali (Mataan)

Email: Xaaji1436@gmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews