berberatoday.com
Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Geerida Khabiir Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Ka Tirsanaa Oo Ku Naf Waayay Qaraxii Muqdisho Ee Hotel Ambassador
June 5, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa Dhambaallo Tacsiyo ah u kala dirtay laba Dhakhtar oo Ka hawl-gelijiray wasaaradda xanaannada xoollaha somaliland, kuwaasi oo midkood ka mid ahaa dadkii ku naf waayay qaraxii toddobaadkii hore ay Alshabaab Sheegatay ee lala beegsaday Hotel-ka Ambassador ee ku yaalla magaalada Muqdisho, halkaas oo qarax ba’an oo galabnimadii arbacadii hore lala beegsaday hoteelkaasi ay dadkii ku dhintay kamid ahaayeen xildhibaanno.

 

Labadan Dhakhtar oo kamid ahaa dhakhaatiir takhasus ku ahaa caafimaadka xoollaha, ayaa magacyadoodu kala ahaayeen Dr. Maxamed Faarax Diiriye oo isagu madax ka ahaa mashruuc lagu magacaabo RASP,  marxuumkaas oo safar shaqo oo uu ku tegey magaallada Muqdisho ka mid noqday dadkii degennaa hoteelka ay Alshabaab qarxisay ee Ambassador Muqdisho halkaas oo qaraxa kadib la sheegay in uu u geeriyooday xabbado rasaas ah oo mid kamid ahaa malleeshiyadii gudaha u gashay Hotelku la beegsaday isaga oo qolkiisa ku jira. Marxuumka kale ee kamidka ahaa dhakhaatiirta wasaaradda xanaannada xoollaha ee geeriyooday ayaa magaciisu ahaa Dr. Cumar Cismaan oo isagu ku geeriyooday  magaallada Tog-wajaalle jimcihii lasoo dhaafay halkaas oo xanuun uu in muddo ah u jiifay.

Sida uu wasiirka xanaannada xoollaha Somaliland Cabdillaahi M. Daahir Cukuse xalay u sheegay  warbaahinta maxalliga ah, waxaa uu tacsi u diray qoysaskii, qaraabadii,  bahda caafimaadka xoollaha, shacbiga iyo guud ahaanba qaranka Somaliland isaga oo uga tacsiyeynaya geerida labadaas marxuum ee dhakhaatiirta ahaa. Qoraal tacsi ah oo wasiir Cukuse soo saarayna waxaa uu udhignaa sidan:

“Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland, Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, isagoo ku hadlaya afkiisa iyo ka wasaaradda Xanaanada Xoolaha waxa uu tacsi u dirayaa Laba Dhakhtar oo ka tirsanaa wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo  kala ahaa Dr. Maxamed Faarax Diiriye, ahaana Madaxii Mashruuca RASP ee hay’adda AU-IBIR oo ku geeriyooday qaraxii lala eegtay Hotel Ambassador ee Muqdisho, Soomaaliya, iyo Dr. Cumar Cismaan oo ka mid ahaa dhakhaatiir wasaaradda oo isagu xanuun ugu geeriyooday, Togwajaale Jimcihii. Wasiirku waxa uu tacsi gaara u dirayaa qoysaskii, qaraabadii, asxaabtii, eheladii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka geeriyoodeen labadaa Dr, iyaga waxa uu alle uga baryayaa inuu naxariistii janada ka waraabiyo Aamin Aamin Aamin”. Ayaa lagu yidhi qoraalka.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews