berberatoday.com
Wasiirka Madaxtooyada Oo Danihiisa Gaarka Ka Dhex Arkay Heshiiska Shirkada DP World, Dareenka Dhigiisii Ka Horeeyey Ee Xirsi Cali Xaaji Xasan Iyo Dedaalka Uu Heshiiskan Galiyey
June 6, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiiro ka tirsan xukuumada Somaliland ayaa safar ku jooga magaalada Dubia ee xarunta wadanka isku taga imaaraadka carabta.

Wasiiradan oo kala ah qorshaynta qaranka, maaliyada iyo madaxtooyada ayaa waxa hogaaminaya wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, kaas oo u muuqda wasiir si gaar ah u danaynaya dhamaystirka heshiiska lagu kiraynayo dekeda magaalada Berbera.

Wasiir Maxamuud Xaashi oo haatan u muuqa wasiirka ugu awooda badan ee ku jira xukuumada wakhtigeedi gabaabsiga yahay ee uu hogaaminayo Madaxweyne Siilaanyo ayaa tan iyo markii ay xukuumada Somaliland wada hadalka la furtay madaxda shirkada DP World u muuqda wasiir si gaar ah u

danaynaya dhamaystirka heshiiskan, isaga oo tiraba dhawr safar ugu baxay wadanka isku taga imaaraadka carabta ee shirkada DP World ka soo jeedo.Bulshada Somaliland ayaa is waydiinaya sababaha uu wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi sida gaarka ah ugu danaynayo heshiiskan, iyada oo dhigiisii uu kala wareegay wasaaradaas ee Xirsi Cali Xaaji Xasan uu dhawaan sheegay inay bishii may ee sanadkii hore iska diideen heshiis ay u soo bandhigtay shirkadaasi, kaas oo loo badinayo  inay heshiiskaas ka dhex arki waayeen qodobo u danaynaya shacabka Somaliland ee ay hantida u tahay dekeda magaalada Berbera.

Wasiirkii hore ee madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka hadlaya heshiiskii ay iska diideen inay la galaan shirkada DP World ayaa waxa uu yidhi “Dekeda Berbera waa laba shay oo midi waa heshiiska la soo galay oo maan arag  oo faallo ka bixin mayo midina waa dekedeena Berbera ma horu marina ama dalkeena mala maal gashadaa, waxaan aaminsanahay inaynu dekedeena iyo dalkeena horu marino laakiin heshiiska  la soo galay maan arag, waxaana iigu danbeeyey heshiis 17-kii  bishii may ee sanadkii hore  wafti aan hogaaminayey aanu ku tagnay imaaraadka markaa heshiiskii nala soo hor dhigay waanu diidnay kanse ay hada aqbaleen maan arag faallanna ka bixin mayo.”Ayuu yidhi wasiir Xirsi.

Dhinaca kale dhigiisa haatan haya xilka wasaarada madaxtooyada Somaliland ee Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa u muuqda mid heshiiskaas ka dhex arkay dano gaar ah oo uu leeyahay isla markaana aan ilaa hada bulshada Somaliland si hagar la,aan ah ugu soo bandhigin nooca heshiiska iyo danaha muhiimka ah ee ugu jira bulshada Somaliland, taas  oo daaha ka faydaysa  danaha gaarka ah ee uu wasiirka madaxtooyadu ka leeyahay heshiiska shirkada DP World iyada oo ay muuqato inuu si gaar ah dedaal dheeraad ah u galinayo dhamaystirka heshiiskaas.

Si kastaba ha ahaatee wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa la filayaa inay dhawaan soo baxaan danihiisa gaarka ah ee uu heshiiskaas ka dhex arkay, maadaama oo uu ilaa haatan galinayo dedaal aad u badan.

La Soco Qaybe Danbe Oo Aanu Ku Eegi Doono Heshiiska DP World Iyo Danaha Wasiir Maxamuud Xaashi

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews