berberatoday.com
Hooyo Danyar Ah Oo Sheegtay Inay 14 Sano Dhul Ku Haystaan Rag Uu Midkood Dhalay Xaaji Cabdi-waraabe
June 7, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Aamina Jaamac Warsame waa Hooyo Deggan Magaalada Hargeysa, waxaa ay  Cabasho Xoog leh ka muujisay Dhul ay ku leedahay Xaafadda Calaamadaha ee Magaalada Hargeysa oo ay sheegtay inay Sharci Foojariya kaga qaadayaan Rag Xulafo ah.

Hooyadan, ayaa sheegtay inay Muddo 14 Sannadood ah lagu haysto Dhulka isla-markaana Raggaa oo isticmaalaya Awood dhaqaale ay Sharci been abuur ah u samaysteen Dhulka, isla-markaana mar sii horeysay Laba Aqal-Soomaali oo uga dhisnaa Dhulka ay Xoog kaga rareen, laakiin Hay’adaha Sharciga oo ay u cabatay aanay muddada intaa leeg Waddo ka marin Ragga ku haysta Dhulka ay sheeganayso Mulkiyaddiisa.

Hooyo Aamina Jaamac Warsame oo Shalay nagu soo booqatay Xafiiska Wargeyska Madaxa-bannaan ee HIMILO ee Magaalada Hargeysa, ayaa sheegtay in Dhulka hadda lagu haysto ee la doonayo in Xoog lagaga qaado ay Degganayd ilaa 1983-kii isla-markaana ugu dhasheen Carruur qaar da’doodu 30 jir tahay Hadda, hasa-yeeshee dhibaato badani ka qabsatay sidii ay Dhulkeedu Xaasil ugu noqon lahaa.

“Dhulkaygu wuxuu ku yaallaa Xaafadda Calaamadda, waxa iga qaaday Nin Guddoomiye ku-xigeen ka ah Gobolka Awaare (Kililka Shannaad), dhulka waxaan degganaa oo la i siiyey ilaa 1983-kii, weliba Markaan Meeshaa degganaa Cidna ma lahayn Buuraha, Sharcigii Dhulka ee Dawladdii hore ee Soomaaliya wuu iga lumay, laakiin 1997-kii ayaa Odeygaygu sharci u soo saaray. Dhulkaa ilaa Wakhtigaa la iguma qabsan oo waxaan degganaa Guri Sandaqad ah oo Kiro oo u dhow dhulka la igu haysto, waxaana iigu dhalatay Carruurtayda qaarkood 30 jirka yihiin.” Ayay tidhi Hooyadan oo Wargeyska Himilo u soo bandhigtay Waraaqo badan oo Hay’adaha Sharcigu ka soo saareen Muranka ka taagan Dhulka ay sheeganayso, laakiin socon waayay.

Hooyadu waxay sheegtay in Raggan ay ku sheegtay Xulafado ay Jagada lagu haysto ka rareen Guryo uga dhisnaa isla-markaana garaaceen Carruurteeda oo ku sugnaa, “Aniga oo Guriga ka maqan ayaa Niman Xulafo ahi Rareen Laba Aqal Soomaali ah oo Jagada iiga dhisnaa, iyagoo garaacay Carruurtii aan kaga tagay Guriga.” Ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay iyada oo faahfaahinaysa Cidda Dhulka ku haysata iyo Magacyada Xubno ay sheegtay inay Sharci Foojari ah u samaysteen Dhulkeeda, “Ragga Dhulka iga qaaday waxa ka mid ah Ina Xaaji Cabdi Waraabe oo la yidhaahdo Odey, Khadar Weerar Raabbi iyo Cabdi Qoodhe oo markii hore haystay Qudhac-dheer, Saddexdaa Nin baa Dhulkayga u soo samaystay Sharci foojariya, markay Sharcigaa Foojariga ah sameeyeen ayay u yeedheen Ninka imika iga qaadaya oo Guddoomiye ku-xigeen ka ah Gobolka Awaare.”

Hooyo Aamina, waxay baaq u dirtay Madaxweynaha Somaliland iyo Laamaha Dawladda ee Arrimahani khuseeyaan, waxayna ka codsatay in hoos loo eego Mushkiladda ka haysata Dhulka ay sheegtay inay iyadu leedahay isla-markaana loo kala taliyo Raggan Xulafada ah oo ay tilmaantay in aanay mar keliya Dood kala gelin dhulkeeda, hase-ahaatee iyaga oo Awood dhaqaale isticmaalaya ay dhulkeeda ka qaadayaan.

Aamina, waxa kale oo ay sheegtay in Odeygeedu uu Xaalad Caafimaad daro u jiifo, sidaa daraadeedna ay baahan tahay in Raggan oo Arrinkoodu ku daba-dheeraaday laga furdaamiyo.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews