War Deg Deg Ah”Wasiir Cukuse Oo Lacag Jeebkiisa Kudhacaysa Ku Kordhiyay Xoolaha Nool Ee Dekeda Berbera Ka Dhoofaya Iyo Xoolo Kadinka Dekeda Berbera Ku Xaniban+Ganacsatadii Xoolaha Dhoofin Jirtay Oo Diiday Lacagtaas
June 8, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somliland Cabdillahi Maxamed Dahir(Cukuse) ayaa caawa ku xanibay kadinka ay Xooluhu ka galaan Dekeda Berbera xoolo aad utira badan oo adhi ah kuwaas oo loo dhoofinaayay Wadamada Khaliijul Carab gaar ahaan Sucuudiga isaga oo Wasiir soo dajistay Qorshe lacag kordhineed oo uu ku ladhay Lacag uu ku amray inay Maxjaradu Xoolaha Nool ku kordhiyaan gaar ahaan adhiga oo hore Maxjaradu uga qaadi jireen lacag dhan neefkiiba 2 dollar ayuu wasiirku ku amaray inay ka dhigaan 4 dollar isaga oo wasiir Cabdillahi Cukuse ku yeelanaya labada doolar ee lagu kordhiyay neefka adhiga ah 0.3 dollar oo ugu dhacaysa account uu ka samaystay xawaalada Dahabshiil ee Berbera sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamida ganacsatada Xoolaha dhoofiyaa caawa.