Wadan Ka Mid Ah Dalalka Islaamka Oo Noqdey Wadanka Ugu Masaajidada Qurux Badan Caalamka Iyo Halka Uu Ku Yaalo + (Sawiro).
Kuala Lumpur(Berberatoday.com)-Mid ka mid ah dalalka Islaamka ayaa waxaa loo caleemo saaray ama loo aqoonsaday in uu yahay wadanka kaliyah ee sanad kasta laga hir galiyo Masaajidada ugu quruxda badan Caalamka waliba dhisidooda lagu bixiyo Malaayiin Dollar . Sanadihii ugu dambeeyay ayaa waxaa dalka Malaysia ku soo badanayay ganacsato Taajiriin ah iyo xubno ka tirsan dowlada dalkaas oo dhexda u xirtay inay dhisaan Masaajido cusub oo soo jiitay indhaha bulsho weeynta caalamka gaar ahaan kuwa Muslimiinta ah .
Masaajidadaan ayaa intooda badan waxaa laga kala dhisay Magaalada caasimada ah ee Kuala Lumpur iyo magaalada Kuching ee gobolka Sarawak . Shacabka dalka Malaysia oo Muslimiin u badan ayaa inta lagu gudo jiro bisha barakeysan ee Ramadaanka waxeey soo camiraan Masaajidada kuwaas oo dadka ku afuriya qaab sadaqo ah oo aan loo kala harin .