berberatoday.com
Daawo Muuqalka Sawiro La Helay Gaadiidkii Isku Dhacay Ee Uu Ka Abuurmay Xasuuqii Shacabka Jaamac Dubad Iyo Xaaladdii Ugu Dambaysay Ee Degmada Gaashaamo
June 12, 2016 - Written by Berbera Today
Wargeyska FOORE Oo Helay Muuqaalada Gaadiidkii Isku Dhacay Ee Uu Ka Abuurmay Xasuuqii Shacabka Jaamac Dubad Iyo Xaaladdii Ugu Dambaysay Ee Degmada Gaashaamo

Dawladda Itoobiya Oo Ciidamo Aad U Hubaysan Soo Dhoobtay Xuduudda Ay La Wadaagto Somaliland Iyo Culays La Saaray Dadka Iskaga Gudbaya Labada Dal

Madax-dhaqameed, Guurti Iyo Waxgarad Gurmad Ah Oo Magaalooyinka Burco Iyo Hargeysa Isaga Yimid Oo Shalay Illaa Xalay Ku Xannibnaa Xuduudda Itoobiya Iyo JSL

Gaashaamo(Berberatoday.com)-Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaadhay Deegaanka Gaashaamo ee ay ka dhacay Dil wadareedka ay fuliyeen Ciidamada Itoobiyaanka ahi ayaa daaha ka rogay in Dawlada Itoobiya ay Culays xoogan saartay isku socodka guud ahaan deegaamadaasi,iyadoo Meydadka dadkii la Xasuuqay, qaarna la aasay qaarna wali ay ka dul barooranayaan eheladii ay ka geeriyoodeen,iyadoo dhinaca kalena Ciidamo xoogan la soo dhoobay Xuduuda ay Somaliland iyo Itoobiya Wadaagaan.
Illo-Wareedyo u dhuun daloola Tuuladda Jaamac Dubad iyo Guud ahaan deegaanka Gaashaamo ee Gudaha Dalka Itoobiya ee ay ka dhacday Dil wadareedkii loo gaystay dadkiii Shacabka ahaa ee aan waxba galabsan,ayaa tibaaxay in Wali ay ka socdaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay Dawladda Itoobiy wado,kaasi oo ay kaga hortagayso Kacdoon dad weyne iyo in Dadka deegaanku ku kacaan Aargoosi,waxa ay gabi ahaanba hakad galiyeen isku socodkii deegaanka ay degan yihiin dadka Hayb wadaagga ah ee ay ku dhacday Masiibada dadkii Wadarta loo laayay. Wararkan ayaa intaa ku daray in Dadkii ku looday Weerarkii Ciidanka Itoobiyaanka qaar ka mid ah Meydkoodii la aasay halka qaarna ay wali yaalaan oo aan la aasin. Wararka iska soo daba dhacaya ee ku saabsan Qaabkii uu ku yimid Dil Wadareedkii Deegaanka Jaamac Dubad ee dadka badan ku loodeen oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa tilmaamay in ka hor intaan dadka Maatida ah la xasuuqin ay laba gaadhi oo midi yahay Gaadhi SURF ah oo nin qaadle ahi leeyahay iyo Gaadhi UMBELANCE ah oo ay lahayd Degmadda Gaashaamo ay isku dhaceen,iyagoo isku haleelay meel dulaadka Tuuladda ah,waxaana la sheegay in shilkaasi uu qayb wayn ka qaatay muranka isku dhacii dadkii Shacabka ahaa iyo ciidanka Finance-ka itoobiyaanka ah oo Cashuur ka doonayay Gaadhiga Qaadlaha ah,waxaana la sheegay in halkaasi uu dagaal ku dhex maray Dad Shacab ah oo u hiilinayay Gaadhiga Qaadlaha ah iyo Ciidankii Itoobiyanka ah,iyadoo isku dhacaasi uu sababay Dhimashada Mid ka mid ah Ciidanka Finance. Waxa ay markii dambe dalbadeen Ciidankani Xasuuqa u gaystay Dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.
gaashaamo1
Wararkii ugu dambeeyay ee Xalay Foore helay ayaa tibaaxay in Salaadiintii iyo Waxgaradkii ugu badnaa ee ka kala gurmaday Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ay ku xaniban yihiin Xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya,kadib markii ay Hor istaageen Ciidamo gaashaaman oo ay Dawlada Itoobiya soo dhoobtay Xadka labada dal u dhexeeya. Dawlada Itoobiya ayaa aad uga cabsi qabta in Kacdoon ciidankeeda lagaga aargoosaanaya uu ka bilaabmo deegaamada dadka Shacabka ah lagu gumaaday waxaanay ay ku soo daad guraysay Ciidankii ugu badnaa ee iskugu jira Liyuu Booliiska Kililka Soomaalida iyo Ciidamo ka tirsan Milatariga Faderaalka Itoobiya. Warar kale ayaa sheegaya in Salaadiinta iyo Waxgaradkan Xuduuda ku xaniban loo sheegay in Bari aroorta loo siidaynayo inay xadka ka talaabaan.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews