berberatoday.com
Magaca Nin Kooxda Al-shabaab U Gawracday Inuu Hoggaamiyahoodii Geeriyooday Ku Soo Hagay Diyaaradihii Maraykanka Ee Duqeynta Ku Khaarajiyey
June 12, 2016 - Written by Berbera Today

Waxa Kale Oo Ay Toogasho Ku Dileen Saddex Nin Oo Lagu Eedeeyay Basaasnimo

alshabaab

Muqdisho(Berberatoday.com)-Al-shabaab ayaa Afar Ruux oo rag ah oo ay Sheegtay inay ahaayeen basaasiin ku toogtay Doraad gellinkii dambe deegaanka Buulo-fulaay oo ka tirsan gobolka Bay.

Dilkan oo isugu jiray Toogasho iyo Gawrac, ayaa waxa fulisay Maxkamad Al-shabaab leedahay, iyadoo Toogashadooda ay goobjoog ka ahaayeen dadweyne badan oo ka mid ah dadka deegaanka iyo masuuliyiin ka tirsan Al-shabaab.

Garsooraha Maxkamadda Al-shabaab, ayaa sheegay in raggan la Toogtay ay si Gaar ah ula shaqeynayeen Sirdoonka Waddanka Mareykanka, ayna kala shaqeeyeen duqeymo lagu dilay Masuuliyiin iyo Saraakiil ka tirsanaa Al-shabaab, oo uu ka mid ahaa – Hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab, Sh. Mukhtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr (Axmed Cabdi Godane) oo ahaa iyo Saraakiil kale oo ay ka mid ahaayeen; C/shakuur Tahaliil iyo Yuusuf Dheeg.

Afarta Ruux ee la Toogtay ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin; Muxamed Aadan Nuur Xasan oo 26-jir ahaa, kaasoo la Gowracay, Waxaana goobta dilku ka dhacay laga sheegay in uu mas’uul ka ahaa dilkii Hoggaamiyihii Hore ee Al-shabaab, Sheekh Abuu Zubeyr.

Waxaa kale oo ragga la toogtay ka mid ah; Muxyadiin Hiraab Axmed oo 27-jir ahaa, Xuseen Nuunoow Nageey oo 36-jir ahaa iyo Xasan Diiriye Cismaan oo isna 42-jir ahaa. Waxaana ay ka mid noqonayaa dad badan oo ay Al-shabaab horay u dishay.

Ugu dambeyntii, Al-shabaab ayaa horay dhawr jeer sidan oo kale Dilal ugu fulisay dad ay ku eedeeyeen inay ahaayeen Jawaasiis la shaqeeya waddamada reer galbeedka, Waddanka Itoobiya iyo Sirdoonka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews