berberatoday.com
Safiir Ka Digay In Iiraan Ay Waddo Qorshayaal Qarsoon Oo Ay Khalkhal Ku Gelinayso Xajka Sannadkan –
June 12, 2016 - Written by Berbera Today

Cummaan(Berberatoday.com)-Dr. Basaam Camuush oo ahaan jiray safiirka Urdun u fadhiya dalka Iiraan ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyey talefishanka Al-Carabiya waxa uu kaga digay waxa uu ugu yeedhay suurtogalnimada in ay jiraan qorshayaal ay Iraan ku beegsanayso xajka sannadkan, isaga oo taas xujo uga dhigtay dalka Iiraan oo muwaadiniintiisa sannadkan ka mamnuucay in ay soo gutaan waajibaadka xajka.

1

Danjire Camuush waxa uu sheegay in Iiraan ay xajka u adeegsatay in ay ka dhigto qadiyad siyaasi ah oo ay kaga aargoosato dalka Sucuudiga iyo dalal kale iyada oo doonaysa in ay khalkhal ku abuurto nidaamka uu Sucuudigu ku maamulayo xajka. Kadibna ay ka dhigtaan qodob ay uga duulaan dhalleecaynta dadaalka iyo ka hawlgelidda arrimaha xajka ee boqortooyada Sucuudiga. “Waa lama huraan in Sucuudigu uu aad u feejignaado, waxaa suurtogal ah in Iirana ay doonayso in ay si rasmi ah uga maqnaato xaramka, kadibna ay dhacdo fawdo ay soo dhex marisay dad ay adeegsanayso, oo tusaale ahaan ka yimid Ciraaq, Iiraan, Lubnaan ama Yemen, kadibna ay iska riixdo ku lug lahaanshiyaha fawdadaas iyada oo ku doodaysa in aanay kaba qayb gelin xajka sannadkan”

Waraysigan oo dheer waxa uu danjire Dr. Camuush ku celceliyey waxa uu ugu yeedhay dhagaro laga yaabo in ay xajka sannadkan Iiraan u maleegayso, isaga oo aad carrabka ugu adkeeyey in maqnaanshiyaha ay ka maqnaanayso xajka ee weliba ay dadkeeda uga digtay in ay tagaan xajku ay bixinayso macnayaal badan oo dareen dhalinaya, iyo in wax la iska weydiiyo waxa ay qorshaynayso, isaga oo hoosta ka xariiqay suurtogalnimada in Iiraan ay adeegsato dadka Shiicada ah ee sannadkan ka soo xaji doona dalalka aynu kor ku xusnay iyo guud ahaan dalalka kale ee muslimka ah ee dadkooda shiicadu ka mid tahay, kadibna ay dadkaas oo ay iyadu dhabarka ka taabatay ay sameeyaan rabshado iyo nidaam darro sababi karta in maamulka xajku isku dhex daato oo dadka xujaajta ahi ku wax yeelloobaan ama dhibaato ka sii weyniba dhacdo.

Sannadkii hore ayaa ay ahayd markii dad aad u tiro badani ay ku dhinteen xajka, kadib markii dad ku socday dhagax tuurka ay iska hor yimaaddeen dad ka soo noqday, arrintaas oo nidaam ahaan qalad ah oo sida caadiga ah ay laba waddo kala maraan. Dadka sannadkaas ku dhintay oo ay ku jireen Iiraaniyiin aad u tiro badan ayaa sababay in dawladda Iiraan ay cadho badan ka muujiso. Iyada oo masuuliyiin ka mid ahina ku tilmaameen in ay ahayd mu’aamarad muwaadiniintooda lagu beegsaday, halka Sucuudiguna dhinaciisa uu xujaajtii Iiraan ee sannadkaas ku eedeeyey in ay iyagu ahaayeenba sababta is-jiidhka Xujaajta keentay kadib markii ay mareen jid aan ahayn kii saxda ku ahaa dhinaca ay u socdaan iyaga oo weliba badheedh u maray.

Tan iyo muddadaas wixii ka dambeeyey dawladaha Iiraan iyo Sucuudiga oo mid kastaa isku tiriyo in uu calanka u sido dalalka muslimka ah ee kala aaminsan mad-habaha Shiicida iyo Sunniga sida ay u kala horreeyaan, waxaa soo dhex galay khilaaf aad u xooggan iyo colaad diblumaasiyadeed, oo cirka isku sii shareertay markii dad reer Iiraan ah oo ka cadhaysan Sh. Nimir oo ahaa wadaad shiico ah oo Sucuudiga lagu dilay, ay xoog ku galeen safaaradda Sucuudiga ee Tehraan, khasaarana gaadhsiiyeen. Waxa aana u dambeeyey markii dhowaan Iiraan iyo Sucuudigu ay isku diideen tirada xujaajta uu Sucuudigu u gooyey Iiraan oo ay Iiraan dalbatay in tiradii hore sannadkan looga kordhiyo iyo sidoo kale in aan dadkooda xujaajta ah loo diidin haddii ay doonaan in ay mudaharaad ka dhex dhigaan xajka, arrintaas markii uu Sucuudigu diidayna ay Iiraan kaga jawaabtay in ay dadkeeda ka mamnuucdo in ay sannadkan tagaan xajka.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews