berberatoday.com
Dacwad Ciqaabeed Ku Oogan Masuuliyiinta Wargeyska FOORE Oo Maxkamaddu Maanta U Muddaysay Iyo Bahda Xuquuqal Insaanka Oo Ka Walaacsan Cabudhinta Xorriyatul Qawlka
June 13, 2016 - Written by Berbera Today
Dacwad Ciqaabeed Ku Oogan Masuuliyiinta Wargeyska FOORE Oo Maxkamaddu Maanta  U Muddaysay Iyo Bahda Xuquuqal Insaanka Oo  Ka Walaacsan Cabudhinta Xorriyatul Qawlka

Maxkamadda Gobolka Hargeysa Oo Maanta Bilaabaysa Dacwad Ciqaabeed Madaxtooyadu Riixayso Oo Ka Dhan Ah Wargeyska FOORE

Hargeysa(Berberatoday.com)-Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex oo dorraad Sabtidii Muddaysay Dacwad ciqaab ah oo Madaxtooyadu dabada ka riixayso oo lagu soo oogayo Guddoomiyaha iyo Tifaftiraha Wargeyska Madaxa Bannaan ee FOORE, Wakhti Guddoomiyaha Wargeyska FOORE damaanad dibadda ku joogo kadib xadhigii dhawaan loo gaystay ayaa la filayaa in saaka oo Isniin ah fadhiga koowaad ee dacwaddaasi ka bilaabmo Maxkamadda Gobolka Hargeysa.
Qoraal Doraad ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Maxkamaddaasi Mudane Garyaqaan Axmed Dalmar Ismaaciil laguna socodsiiyey Taliyaha Qaybta Baadhista Dambiyada (C.I,D), Xeer Ilaalinta Gobolka Maroodi Jeex iyo Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland oo isagu ahaa masuulka Damiintay Guddoomiyaha FOORE, ayay maxkamaddu ku muddaysay Maanta oo Isniin ah Bishan June tahay 13-ka in fadhiga koowaad ee dacwaddaasi bilaabmi doonto.
Waxa xusid mudan in Dacwaddan Wargeyska FOORE lagu soo oogayo maxkamaddu ku sheegtay in ay tahay dacwad ciqaab ah oo loo cuskanayo qodobada 328, 71, 215, 518, iyo 383 Ee Xeerka Ciqaabta Guud, kaasi oo gabi ahaanba sharci darro ah maadaama sharciga dalka u yaallaa dhigayo in dacwadaha saxaafadda ka dhanka ah loo mari doono xeerka Saxaafadda Somaliland iyo habka madaniga ah.
Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada Sirdoonka qaranku goob huteel ah inta ay ka kaxaysteen Guddoomiyaha Wargeyska FOORE Md. Cabdirashiid Sh. Cabdiwahaab Sh. Ibraahim uu muddo dhan 7 maalmood ku xidhnaa xarunta ciidanka Dambi baadhista Somaliland gaar ahaan qaybta lagu xidho maxaabiista argagixisada ku eedaysan, kadib markii wargeysku wax ka qoray danaha dhaqaale ee Madaxtooyada ugu jira heshiiska wareejinta Dekedda Berbera.
Dacwadaha iyo xadhiga saxafiyiinta ayaa si xawli leh u kordhay tan iyo mudadii ay xukuumadda xisbiga KULMIYE talada haysay lixdii sano ee ugu dambeeyey iyada oo ay wakhtigan xayiran yihiin wargeysyo dhawr ahi.
Dhinaca kale Ururrada u doodda Xuquuqal Insaanka iyo ilaalinta xorriyadda hadalka ee Dastuurka qaranku jideeyey ayaa waxa ay walaac weyn ka qabaan qaabka xukuumaddu ugu tumanayso xorriyatul qawlka maadaama ay laban laabmeen tacadiyada iyo gabood fallada ka dhanka ah saxaafadda iyo suxufiyiinta madaxa bannaan iyada oo sidoo kale isla maanta dacwadooda mar kale la dhagaysan doono wariyayaashii Wargeyska HUBSAD ee xayiran iyana maxkamadi ku socoto.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews