berberatoday.com
“Gudoomiyaha Maxkamada Sare Sharciyaqaan Baray Wasiirka Cadaalada Iyo Xeer Ilaaliyahaba Sharciga Waddanka” Xoghayaha Cadaalada WADDANI.
June 14, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Maahmaah ayaa micnaheedu ahaa: “midna Allaa baray midna Allaa baday”

tXilkasta oo masuul looga dhiibo xukumaddu waxaa u sal ah xirfad iyo xigmad aqooneed oo ku jaan go’an masuuliyadiisa. Waxay aheyd 16/05/16 markii uu Wasiirka wasaarada cadaaladdu Mudane, Axmed Cadare soo saaray go’aan ruqsad kala noqosho ah taas wasiirku sheegay inuu ruqsaddii qareenimo kala noqday garyaqaan guuled jamac dafac isagoo sabab uga dhigay codsi uga imid xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka oo sheegay inuu guuleed madax ka yahay haayad u dooda xuquuqda aadamaha! Iyadoo dastuurka dalku kala madax baneeyey waaxda garsoorka iyo waaxda fulinta oo ah goolaha wasiirada sida ku cad qodobka 37aad firqadiisa 2aad oo waaxina wax ma maamuli karto wayna kala madax.

bannaan yihiin. Haddaba waxaa xusid mudan cidda ruqsada qareenada kala noqon kartaa iney tahay guddida bixinta ruqsada qareenimida sida ku cad xeerka qareenada (Xeer L/r. 30/2004) qodobkisa 14aad kadib markay ku hesho arimaha kala:
1. Markay cadaato Inuu sifo sharciga baal marsan ku helay ruqsada oo khiyaamo ah

2. Markay cadaato Inuu laalush siiyey garsoore

3. Markay cadaato inuu ruqsada ku shaqeystay iyadoo la hakiyey

Kuwaasi waa waxyaabaha uu qareenku ku waayi karo ruqsada. Haddaba haddii guddida bixinta ruqsaduhu ku hesho ficiladaa sare inuu qareenku ku kacay waxay toos dacwadiisa ugu gudbineysaa ururka qareenada kuwaas oo ka soo jawaab bixinaya, waxaanay guddidu si toos ah ugu sii gudbinayaan gudoomiyaha maxkamada sare ahna gudoomiyaha guddida cadaaladda isaga iyo guddida cadaaladda ayaa ka go,aan gaadhaya.

Waxaan aad ugu diirsaday habka iyo hannaanka sharciyeed ee jawaab celinta gudoomiyaha maxkamada sare Mudane, Adam Xaji Ali Axmed u qoray Wasiirka wasaarada cadaaladda Mudane, Axmed Cadare shalay oo ay taarikhdu aheyd 11/06/16 waxaanay daliil u tahay aqoonta iyo aragtida u leeyahay sharciga.

Waxaan si kal iyo lab ah ugu mahadcelinayaa gudoomiyaha maxkamada sare oo xaqa u hiiliyey baadilkana baabiiyey waxaanan leeyahay Mudane, Gudoomiye bartaas ka sii wad hawsha qaranka aad u hayso Alle ha kula garab galee.

Dhanka kale waxaan ugu baaqayaa dhamaan garsoorayaasha dalka iyo sharciyaqaanadu iney xooga saaraan ilaalinta cadaaladda. Masuuliyiinta xukumadda ka tirsanna waxaan leeyahay sharciga dalka wax ka barta

Guul iyo gallad eebe korkeena ha ahaato

Garyaqaan Barkhad Jamac Batun.

Xoghayaha cadaaladda xisbiga waddani

Email: Barkhad909@live.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews