berberatoday.com
Xil. Koorre Oo Ciidamada Qaranka Ku Amaanay Doorka Ay Ka Qaateen Nabadayntii Dharkeen-Geenyo
June 14, 2016 - Written by Berbera Today

Xildhiban KooreHargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay Xaaladii ugu dambaysay ee dagaalkii ka dhacay Dharkeen-geenyo, waxaanu baaq nabadeed u diray Labadii Beelood ee halkaas ku dagaalamaya, waxaanu ugu baaqay inay colada soo afjaraan, oo nabadgalyada qaatan, waxaanu Xukuumadda iyo Ciidamada Qaranka ugu mahadnaqay doorka ay ka qaateen xasilooda Deegaankaas.

 

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore  oo shir jaraa’iid ku qabtay shalay Xarunta Barlamaanka Somaliland ayaa si gaar ah amaan balaadhan ugu soo jeediyey Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo uu ku amaanay deegaanada Gobolada Barri oo uu sheegay inuu talaabo fiican oo Wasiiradii hore ee Beesha Dhexe kula dhaqmin inuu kula dhaqmay, waxa kale oo uu tilmaamay inay dadka Deegaanada Barri ay aad ugu faraxsan yihiin inay ka qayb qaatan Doorashooyinka oo ay Codkooda ka dhibtaan, isaga oo arimahan ka hadlayana waxa uu yidhi Inta aan garanayo ee aan  Siyaasada Somaliland ku soo jiray waa wakhtigii deegaankaasi ugu dhawa ama ugu fiicnaa inuu ka mid noqdo ama uu ku soo biiro codka bahda cod bixinta Somaliland, taas oo aan is leeyahay runtii mudadii dhawr iyo labaatanka sanno ee aan joogay Somaliland ama aan Siyaasiga ka ahaa, waa wakhtigii ugu haboona ama waa wakhtigii ugu fiicnaa ee aan dadka ku arkay inay diyaar u yihiin inay ka mid noqdaan Bulshada Somaliland”.

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore mar uu ka hadlaayey dagaalkii ka dhacay Dharkeen-geenyo ayaa wuxuu yidhi “Dawladdu talaabo loo baahnaa ayey qaaday, oo aan ku amaanayo Xukuumadda, marka ay arintaasi soo baxdayba waxa loo diray Ciidamadii Qaranka, ee joogay Deegaanka, intii ay Ciidamadu tageena si fiican baa loo xakameeyey, dadku waa dad deegaanka wada degan, oo Tuulooyin iyo Deegaano badan kala wada degan,laba nin oo laga yaabo inay baadiye iska helaan, Ciidanku geed kasta hoostii isma taagi karo, laakiin Ciidanku intii la rabay awood ahaan u xanibay in dagaalkaasi dib u dhicin, ciidanka iyo xukuumadda labadan waan ku amaanaya talabadaas ay qaadeen ee ay ku xakameeyaan dagaalkaasi inuu sii socdo.

Xaaladu imika aad iyo aad ayey u fiican tahay, waxa kale oo aan baaq u dirayaa dadka deegaanadaas ku nool, oo aan garan karo dagaalku dhibka uu leeyahay, waxa aan idin leeyahay dagaalka joojiya, oo ha loo soo noqdo oo ha la wada yimaado miiska wada hadalka, oo sidii ay Somalidu ku xaajoojin jirtay marka ay waxaas oo kale dhacaan reer kastaa ha u hogaansamo, oo yaan la sii tarmin dhiiga ku daadayanaya, wakhtigaas iyo bisha barkaysan ee ILLAAHAY umaddiisa ku nimcaystay, khayrka, barwaaqada iyo ajarkana yaan la daadin dhiig muslim ee ha lagu dhameeyo sidii Somalida dhaqanka u ahayd, wixii dhacay wey dhaceena ee miiska wada hadalka ha la soo fadhiisto oo ha la wada hadlo”.

Mar wax laga weydiiyey in dagaalkan ka dhacay Dharkeen-geenyo ay qayb ka ahaa Garaad Jaamac  ayaa ku jawaabay “Arinkan waxba kama jiraan runtii Garaad Jaamac ninkii nabada waday ee Geela wareejinayey ayuu ahaa, nin geel wareejinaya oo mag bixinaya dagaal buu wadaa  cid odhan kartaa ma jirto, ee arinkaas waa arin qabiil iyo is afgaran waa ku bilaabay weeye, waa arin muddo soo socotay cid aan ku eedaynayaana ma jirto, waxaan leeyahay ha la joojiyo oo ha la qaboojiyo, sida ay Somalidu u isticmaali jirtay marka ay dhibtaasi dhacdana dadku dhaqanka u lahaana ha lagu soo xidho”.

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore ayaa mar uu ka hadlaayey Weftiga Xukuumadda ee tagay deegaanka dhibku ka dhacday ayaa yidhi “Inta aan garanayo waxa tagay Cali Sandule, waxa tagay Xagla-toosiye,waxa tagay Wasiirul dawlihii amniga, Rag badan baa jooga iyo Saraakiil sar sare oo Ciidamada Somaliland ka mid ah, haddii ay Bilays tahay iyo haddii ay Milatari tahayba, marka waxay diyaar u yihiin inay xakameeyaan dhibtaas, aad iyo aadna waan ugu mahadnaqaynaa cid kasta oo ka qayb qaadata”.

Saleebaan Cali Koore mar uu ka hadlaaye Wasiirka Madaxtooyada ayaa yidhi “Waxaan halkan amaan sharaf leh, amaan bogaadin iyo karaamo leh uga soo jeedinayaa Wasiirka Madaxtooyada oo runtii ku dhiiraday deegaanada aanay hore wasiiradda tunka waaweyni u tagi jirin, ama haddii ay tagaan si galab galaba ama galab ka caraaba inay dul istaagan duhur ka soo dhaqaaqi jiray, laakiin wakhtigii ugu dambeeyey ee uu nala socday, Degmada aanu tagnaba haddii ay Adhi Caddey tahay iyo haddii ay Xudun tahayba inta aanu seexanay, oo uu dadkii deegaanka nala arkay isaga iyo Wasiiro kale oo ay ka mid yihiin Caddaani iyo Cali Raygal runtii dadku aad iyo aad ayey uga farxday in Dawladdu dadkeeda la seexato oo ay la joogto, wakhti dheer oo aan hore Somaliland uga dhici jirin, marka Wasiirka oo geesinimadaas muujiyey oo aad moodid in dadkaas uu fahansan yahay waxay u baahan yihiin aad iyo aad ayaan u amaanaya runtii guulaha uu ku gaadhay inuu deegaanada wakhti dheer uu joogo, seexdana soona ogaado xaaladaha ay dadkaasi ku sugan yihiin, waa talaabo uu hore u qaaday, waliba beesha dhexe Wasiiradda tunka waaweyn ee ka soo jeeda awal meesha galab galab bay ku tagi jireen oo anaga ayaa nalooga bixi jiray, laakiin isagu uu seexday uu jiifsaday oo uu ka soo toosay, oo dadkii deegaanka ayuu reer reer iyo qof qof ula kulmay, taasina waxay ku tusaysaa inuu Madaxweynuhu talaabo rasmiya oo isku soo dhawaanasho ah qaaday markii uu Wasiirka Madaxtooyada ka dhigay Maxamuud Xaashi Cabdi, aad iyo aad ayaan u mahadinaya, aniga oo sida aad iga barateen aan ahayn nin amaan badan, laakiin Wasiirkaas waxaan u amaanaya waxa uu fahmay xaalada dadka deegaankaasi ku sugan yihiin”.

 

 

 

Berberatoday.net

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews