berberatoday.com
Faysal Cali Waraabe Immisa Marwo ayuu Caayey Hore iyo Dambayso?…Huda Barkhad, Ooridiisa (gabadhiisa), Marwo Aamina Weris Iyo Haweenka oo dhan!!! W/Q Hodan Cali Faarax
June 15, 2016 - Written by Berbera Today

Intaa marwo ee qaranka Somaliland ku lahaa maamus iyo sharafta ee uu caayey Faysal Cali Waraabe aad ayey u badan yihiin, balse waxaynu kasoo qaadan doona intaa uu aflagaado u mariyey Warbaahinta ee uu sida tooska ah u duray. Faysal Cali Waraabe waxa uu ahaa Ninkii Warbaahinta lasoo istaagay ee damcay inuu ololle ku galo Weedho aanu siyaasiga Damiirka lehi ku dhaqmin ama isticmaalin, kaasoo fagaarayaal badan lasoo istaagay Gabadha uu qabo ee Ubadka u haysa, taasoo uu xilliyaddii uu olollaha ku jiray dhawr jeer ku celceliyey Inaanay Gabadhiisu ahayn Muwaadinad (laaji) oo aanay Coday karin. Sidoo kale, Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa 2008-dii dabayaaqadeedii si badheedh ah u aflagaadeey Marwaddii hore ee Madaxweynihii hore ee Somaliland md. Daahir Riyaale Kaahin, waxanu galab isagoo ka hadlaya Idaacadda BBC-da uu sheegay inuu madaxweyne Riyaale ku khaldan yahay Gabadhiisa maalin walba Diyaaradda la raacaysaa, waxanu sheegay inuu khaldan yahay Madaxweyne Riyaale maadaama oo uu safarkasta kaxaysanaayo Marwadiisa”. Waxa kaloo, Faysal Cali Waraabe horaantii 2014-kii xilli uu xukuumadda Madaxweyne siilaanyo aad ugu kacsanaa waxa uu ku dhawaaqay ereyo naxli badan Xambaarsan kuwaasoo ahaa in talladii dalku faraha ka baxday oo gacanta u gashay Haween iyo sidoo kale caruur, waxanu xilligaa ku baaqay in shir talo qaran ah la iskugu yimaado oo lagaga tashado caruurta iyo Haweenka dalka qabsaday. Gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu dhowaan Cod dheer mar kale quudhsi iyo aflagaado aan loo meel dayin kula dulkufay Haween weynaha Somaliland Oo dhan kaasoo markii lagaga soo adkaaday dacwadii guddida diiwaangelintu ka garnaqaysay ee u dhaxaysay isaga iyo Musharraxa xisbiga Ucid Jamaal Cali xuseen iyo masuuliyiinta kale ee xisbiga Ucid, kuwaasoo kusoo oogay markii ay Faysal Cali Waraabe ay waayeen jiho ay u raacan. Maalintaa dhoweyd waxa uu Musharraxiisa ku yidhi Haweenka ayaa ku jecel?. Haddaba Faysal Cali xuseen waxan u malaynayaa inuu hayo Cudur Dumarka neceb, kaasoo sababa marka uu hadlaba uu Nin gabadhiisa waxka sheego, sidoo Dumarka sharafta leh ee iskugu jira Hooyooyinka, walaalaha, caruurteenaba waa inay Faysal Cali xuseen u aqoonsadaan Nin waalan oo maskax ahaan aan miirqabin.

 

 

Waa Bilahi Tawfiiq

Hodan Cali Faarax Hargeysa/Somaliland.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews