berberatoday.com
137 Tahriibayaal Itoobiyaan Ah Oo Gaadhi Kula Qalibmay Gobolka Badhan Iyo Xog-warranka Badhasaabka Somaliland Ee Gobolkaa
June 16, 2016 - Written by Berbera Today

dhacayBadhan(Berberatoday.com)-25 Qof oo Tahriibayaal ah, ayaa ku dhaawacmay Tuulada Cillin ee ka tirsan Gobolka Badhan kadib markii uu la dhacay Gaadhigii ay safrayeen oo ku sii Jeeday magaalada xeebta ee Boosaaso.

Gaadhiga waxaa saarnaa 137 qof oo tahriibayaal Itoobiyaan ah oo doonayay inay magaalada Boosaaso ay uga Gudbaan Dalka Yemen ee dagaaladu ka socdaan, dadka dhaawacmay waxaa dhaawacooda loo qaaday Magaalada Boosaaso waxaana u soo Gurmaday Ciidamada Maamulka Puntland sida uu BBCda u sheegay Taliyaha laanta Socdaalka Maamulkaas.

Taliyaha Laanta Socdaalka ee Maamulka Puntland waxaa kale oo uu sheegay in ay gacanta ku dhigeen dhamaanba tahriibayaashii kale ee gaadhigaasi saarnaa oo ay bed-qabaan isla-markaana ay ku wareejin doonaan dawladda Itoobiya.

Laakiin, Wargeyska Himilo oo Xalay Khadka Telefoonta kula Xidhiidhay Guddoomiyaha Gobolka Badhan si uu wax uga waydiiyo Tahriibayaashaasi Gaadhigu la dhacay iyo halka ay kasoo baxeen maadaama uu goobta shilku ka dhacay tahay Somaliland ayaa waxaanu waydiinay khasaaraha uu shilkaasi gaystay,  Goobta uu ka dhacay iyo halka ay marka hore ka yimaadeen Tahriibayaashani.

“Waxaa ku dhaawac may labaataneeyo qof oo dhaawacoodii loo qaaday Boosaaso, Tahriibayaashaasi waxay ka yimaadeen Xaga Burco, gaadhigii siday Tahriibayaasha waxaa uu ku dhacay meel la yidhaahdo Cillin oo waddada u dhaw waxaanu ku socday Boosaaso, waxay ahaayeen Tabriibayaal Itoobiyaana”ayuu yidhi Guddoomiye Gobolka Badhan Cabdixakiin Axmed Maxamuud.

Guddoomiyuhu waxaa uu sheegay inay dhawaan yaraadeen tahriibayaasha sii dhex mara Gobolka Badhan Balse ay la yaabeen markii ay maqleen in Tahriibayaal lagu Qabtay Gobolka Badhan“Imika qoladani way cusubyihiin oo waanu garanwaynay siday laamida u marayaan, waxaa nalagu yidhi Laaluush ayay siiyaan ciidamada Boosaaso, waxayna isku urursadaan Burco oo gawaadhi laga soo saaraa” ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Badhan waxaanu intaasi raaciyay  oo uu yidhi “Ceerigaabo iyo Badhan Mid toona lagama Tabriibo, dadkuna caawa ayuunbay ku warheleen arintan aad ayaa loola yaabanyahay Gobolka Badhan xagay soo mareen”

 

 

 

Berberatoday.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews