berberatoday.com
Dawladda Turkiga Oo Kontiinarada Badeecaduhu Kujiraan Ee Dalkeeda Uga Soo Dhoofaya Dekeda Berbera Dawladda Federalka Somaliya Usaartay Midkiiba $400
June 16, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Turkiga ayaa shixnadaha Dalkeeda uga yimaada Somaliland ee ku jira Kontiinarada ee yimaada Dekedda Berbera midkiiba $400 (Afar boqol oo Doolar), u saartay Dawladda Somaliya.

dekadd berbera

Talaabadan Dawladda Turkigu ku dhaqan-galisay ganacsatada Somaliland ayaa lagu baraarugay dhawaan kadib markii ganacsatadii alaabaha ka keeni jirtay culays ka soo fuulay lacagtaas.

Lacagtan ayey Dawladda Turkigu go’aamisay shirkii ugu danbeeyey ee dalkeeda ka dhaca ee ay weftigii Somaliland ka baxeen, taasoo Dawladda Somaliya iyo Turkigu ku heshiiyeen in Somaliland alaabaha tagaya lacagtaas la dul-saaro.

Guddoomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid iyo ganacsato kale ayaa ka mid ahaa weftigii Somaliland metaleyey ee ka dareeray shirkaas ay Dawladda Turkiga iyo Dawladda Federalka Somaliya Heshiiska ku gaadheen.

Ganacsatada Somaliland ayaa xukuumadda Somaliland u bandhigay cabasho ka dhan ah talaabada Turkigu ku soo rogeen, hase yeeshee illaa hada wax talaabo ah oo ay ka qaaday Qunsulka u fadhiya Hargeysa ma jirto.

Lacagta Turkigu u qaadayo Somaliya ayaa qayb ka ah dibin-daabyada uu Somaliland ku hayo Turkigu, isagoo taageero Af iyo Mid adin ah ba u muujiyey Somaliya ayuu hadana wadahadalada Somaliland iyo Somaliya dhexhdexaadinayaa, taasoo haddii aanay Somaliland ka tashan sidii loo joojin lahaa ku dari doona Somaliya.

Dhinaca kale, Qunsuliyadda Turkiga ee Hargeysa ayaa Fiisayaasha ku bixisa baasaaboor Somali-ga, halka ay muwaadiniinta Reer Somaliland-na khasab kaga dhigto inay qaataan baasaaboorka Somaliya, kaasoo sharci darro ay ka dhigtay Somaliland.

Ugu danbayn, Afarta boqol ee Doolar ayaa dhabar-jab ku noqon doona ganacsatada reer Somaliland ee u safarta Turkiga, taasoo tartan la gasha ganacsatada kale ee alaabaha ka soo iibsata Shiinaha iyo dalalka kale ee ay Turkiga Suuqyada ku Loolamaan.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews