berberatoday.com
Dhagar Qabe Yuusuf Cabdi Cali Tuke oo Dacwadiisa Meel Xaasaasiya Marayso iyo Shaqooyinkii oo laga Caydhiyey+Dacwado Hor leh oo ku Furmay+Akhriso warbixin.
June 16, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

tukeWashing-tong (Berberatoday.com)-Ducwaddii lagu oogayay dhagar-qabe Yusuf Cabdi Cali (Tuke) ee kaga socotay dalka Maraykanka, ayaa maraysa meel xasaasiya, iyadoo ay haatan Aqalka Senate ka ee hay’addaha sirdoonka iyo socdaalka dalkaas ka weydiiyeen sida loogu ogolaaday inuu dalka soo galo, isagoo ahaa danbiile laga soo ceydhiyay dalka Canada.

Guddoomiyaha Guddida Socdaalka iyo Gaadiidka ee Senateka oo waraysi siinaysay Telefishanka CNN ta ayaa sheegtay inay la yaab ku noqotay in qof dhagaro dagaal iyo tacadiyo ka dhan ah bani’aadanimaddu uu soo galo dalka Maraykanka, isla markaana uu ka shaqo galo mid ka mid madaaradda ugu mashquulka badan dalka Maraykanka, ee Dulles Airport.

Senator Comostock ayaa intaa ku dartay inay haatan uu jiro xeer qabyo-qoraalkiisa la dhammaystiray oo ka hortagay in Tuke iyo dhagarqabayaasha la midka ahi ay soo galaan dalka Maraykanka.  Dhagar-qabe Tuke ayaa muddo 20 sannaadood ah ku sugnaa dalka Maraykanka ka dib markii dalka Canada looga soo ceydhiyay markii la ogaaday inuu xasuuq ka geystay dalka Somaliland, muddaddii u dhaxaysay 1985-1989 kii. Telefishanka CBC ee dalka Canada wariye ka socda, oo booqasho ku yimid 1992 kii ayaa samayeeya filim documentary ah oo uu kaga hadlayo tacadiyadda uu ninkaasi ka geystay, isagoo lagu soo bandhigay sawir uu ka muuqdo isagoo dab-qabadsiiyay oo uu ololayo nin u dhashay Gabiley, isaguna uu qoslayo. Waxa kale oo dadka goob-jooga ahi ay u sheegeen in si arxan-daro uu u dilay qof kale, ka dib markii  uu laba baabuur uu ku kala  jiiday.

Arrintaas ayaa keentay in dalka Canada laga eryo, lagala noqdo dhalashaddii. Wixii intaas ka danbeeyay wuxuu u soo guuray dalka Maraykanka, oo ay xaaskiisu haysato passport Maraykan ah. Halkaas uu shaqo ka helay shirkad dhinaca amaanka ah. Waxaanu ka hawlgalayay madaarka ku yaala magaaladda Washington ee Dulles. Waxa dacwad ka dhan ah Dhagarqabaha weyn ee Cali Samatar ay kaga furantay dalka Maraykanka oo muddo dheer soo socotay, taas oo ku dhammaatay in dhagar-qabaha xukun ay ku rido Maxkamadda sare ee Maraykanku, taas oo noqotay markii ugu horraysay ee taariikhda dalka Maraykanka ee dhagar-qabe lagu maxkamadeeyo dalkaasi. Dhagar-qabe Tuke ayaa haatan shaqaddii laga ceydhiyay, iyadoo sidoo kale uu kiis kale ku socdo xaaskiisa oo lagu eedeeyay inay si been abuur ah ku soo gashay dalka Maraykanka, kuna qaadatay dhalashadda iyadoo sheegatay inay ka mid ahayd dadkii ka soo yaacay  xasuuqii lagu hayay dadka reer Somaliland sannadahii sideetameeyaddii. Waxaana la filayaa in dhalashada lagala noqdo, lana xukumo.

Ololaha ka dhanka ah dhagarqabayaashan ayaa ay ka danbeeyeen dad reer Somaliland ee ku nool Waqooyiga Ameerika, kuwaas oo geed gaaban iyo ku dheerba u koray sidii dhagarqabayashaas loo keeni lahaa cadaaladda. Waxaanu arrintiisu ifka u soo baxday ka dib markii wariyayaal ka socda Telefishanka CNN tu  ay dabagal ku sameeyeen, ayna soo ogaadeen inuu ka shaqeeyo madaarka. Arrintan ayaa ka cadhaysiisay qaar badan oo dadweynaha Maraykanka oo wax iska weydiiyay amaanka madaaradooda, kol hadday ilaalinayaan dhagarqabayaal wadano kale ka soo baxsaday.

Aqalka Senate ka ayaa loo soo gudbiyay warbixin sheegaysa in dalka Maraykanka ay haatan ku nool yihiin 1000 qof oo tacadiyo bani’aadanimadda ka dhan ah ay ka soo geystay dalalkoodii. Kuwaas oo dhammaantood la sheegayo in danbiyo lagu soo oogi doono sida Tuke oo kale. Waxaana la meelmarin doonaa xeer ka dhan inayna soo gali karin dadkaasi dalka Maraykanka.

War bixinta Cusub



War bixintii Hore.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews