berberatoday.com
Walaahi baan ku Dhaartaye Naxdintaa Naxay Indhaha Ayaa i Madoobaaday Balse ilaahow Gaalada iga Bad Baadi Baan iri FARIIN: DHIBTA LA II GAYSTEY !!
June 16, 2016 - Written by Berbera Today

Walaahi baan ku Dhaartaye Naxdintaa Naxay Indhaha Ayaa i Madoobaaday Balse ilaahow Gaalada iga Bad Baadi Baan iri
FARIIN: DHIBTA LA II GAYSTEY !!
,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,

Uganda

Waxaan Ahay 19sano Jir waxaana Ku dhashay oo Ku barbaaray Xamar Gaar ahaan Degmada Wardhiigley Waxaan La noolaa Aabahay iyo Hooyaday ayagoo waxbarasho ilaa Dugsi sare I Gaarsiiyey , Waxaan ahaa Fasalka Koowaad Dugsiga sare markii aan Ka tagay Waxbarashada.

Waxaan Bilaabay Iskuul Private ah oo aan ka dhigan Jiray Private luuqada Englishka ah , Waxaan Gali Jiray Galabtii Maqrib Kahor waxaana kasoo Bixi Jiray Salaadda Cishaha inta aan La Gaarin, Maalin Maalmaha Kamid ah anoo usocda Iskuulka ayaa waxaa igu qayliyey Askar Amisom ah oo meel Fadhiday balse waan dhaafay oo lama aana hadlin mid kamid ah ayaa iga soo Daba Kacay asagoo ku hadlaya Luuqada eglish ka oo aana inta Badan Fahmayn Balse Erayo Yar aan Ka fahmayey Waxyaalaha aan Fahmayey waxaa Kamid Ahaa : Hey Madam , Bring me You Number, iyo erayo Kale balse uma aana Jawaabayn..

Haddaan sii socday wuu iga Haray anigana waxaan Toos u aaday Iskuulkaygii , casharadii wixii i dhaafay ayaan Qortay anoo ka anfariirsan Ninkii Afrikaanka ahaa ee askariga ahaa ee isoo Daba galay iyo wadadii aan Mari Jiray Caawa markaan Marayo waxa aan la Kulmi Doono Balse Markasta Ilaahay ayaan aaminaa oo niyadda ayaan ka dhahaa ilaah baa leedahay Cidna Wax kuma Yeeli karto..

Iskuulkii xilligii laga Bixi Jiray baan Baxay anoo Toos u aaday wadadii Xaafadayda Markaan Marayay Meeshii Galabta Ciidanku joogay ayaa Waxaa iga hor yimid ninkii iyo Mid kale ayaga oo uu lasocdo Tarjumaan soomaali ah , Waxaana Ila hadlay Soomaaligii iguna Yiri Abaaye Nimankaan waa ka shakiyeen Socodkaaga Maalinkasta Meeshaan ee Xafiiska Kaalay qoraal Halagaa sameeyee, Aniga oo Naxsan ayaa is iri mar haddii soomaali lasocdo wa caadi ee Raac , Waxaa la i geeyey Qol Miis Yaal waxaana La i waydiiyay waxaan qabto, Xafadayda Meesha ay Tahay iyo Waxaan Galabkasta soo raadiyo anigana Runta u sheegay.

Waxaa ay sameeyeen inta Moobiil Sawir la igaga qaaday anoo arkaya ayaa la igu yiri Sawirkaan kaaga Mayahay Haa ayaan iri markaas ayaa mid kamid ah intuu hadlay Yiri Moobilkaan Qof Danbi Galay oo weerar Nagu soo qaaday ayuu ka dhacay hadaan baarnayna Sawirkaaga ayaa kujira , Wlaahi baan ku dhaartaye naxdintaa naxay indhaha ayaa i madoobaaday balse ilaahow Gaalada iga Bad baadi baan iri waxaana kuiri Sawirka hadda ayaa iga qaadeen Moobilkaana ani malihi ee wax kale sheega iyo Dantaa leedihiin Wiilkii Soomaaliga ahaa ayaa asagoo Afkale kula hadlaya dhaqaaqay Afkaasna gadaal baan ka Ogaaday inuu ahaa Sawaaxili, Waxaa la i geeyey qol kale waana la iga Baxay inta Dusha laygaga Xiray..

Habeenkii Saq dhexe ayaa waxaa lasoo Furay albaabkii Waxaana Isoo Galay Ninkii Isoo daba Galayay oo Funaanad Garan ah iyo Surweel Gaaban qaba Wuxuuna Bilaabay inuu Faraha igala hadlo anna waan qayliyay oo ooyay , Balse wuxuu lasoo baxay baastoolad oo madaxa iga saaray, Wuxuuna igu sameeyey wax aana Noloshayda laygula Kicin Aniga Miyir waxaa iigu danbaysay Markaas waxaana Miyir saday Maalinkii danbe anoo laygu Hayo Isbitaal yar oo Ciidanku lahaa oo Dhaqtarad Madow ah i Dul Taagan tahay ..

Dhaqtarada waxaa ka tarjumaya Nin soomaali ah waxayna sheegayan in Ciyaal I Kufsadeen Xalay Ciidankuna Bad Baadiyey oo Jiridii Ka dhigay, anigu ma aana Hadlin oo awood aan ku hadlo Maanan Hayn, Daawayn iyo Faaleemboyaal Nafaqo ah ayaa laygu Xiray waxaana Joogay Halkaas Laba Habeen iyo Laba maalmood , Kadib waxaa lala xiriiray Aabahay oo loo sheegay inay Hayaan Gabadhiisi oo Jirri Kufsatay waxaana meesha yimid Cabaar kadib Reerkeeni iyo inta badan dariskii xaafadeena oo dhamaan wada Ilmaynaya waxaana la ii waday xaafadeeni.

Gurigii markaan aaday arintii ayaa aabahay u sheegay Wuxuuna Bilaabay inuu Arintii Dacwad ka sameeyo balse Nasiib darro Asagii ayaya xireen Ciidankii Amisomtu , Waxaa aabahay lagu shaabadeeyey inuu Caawin Jiray Shabaab ilaa haddana inuu xiranyahay iyo in Ladilay midna kana warqabno, aabeheen asagaa noo shaqayn jiray oo wax walba noo ahaa waxbarashadana naga Bixin Jiray balse hadda waxaa na haysta dhib aduun Guud ahaan iyo Gaar ahaan dhibkii aniga Gaarka igu ahaa balse markasta Maadaama aan nahay islaam Naxariista Eebbe ka Quusan mayno oo asagaa Nagi Baaqi noqon doona.

Muhiimadda Fariintayda waxaa ula jeedaa in dadka Soomaaliyeed ogaadaan dhibka dalkeena kajira iyo Gumaysiga laynagu Hayo , Sidoo kale waxaan ula jeedaa qoraalkayga in Umada Soomaaliyeed u istaagto sidii aabahay Raadintiisa nalooga Caawin Lahaa..

Ilaahay Soomaali Bad baadi adaa Qaadiree.

Walal Gaarsii Qofkasta fariintayda oo Share Dheh.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews