berberatoday.com
Dad Soomaali Ku Dhintey Dalka Zambia Ka Dib Markii Ay Ku Neef Qabatimoobeen Gaadhi Konteenar Ah+(Sawiro).
June 17, 2016 - Written by Berbera Today

Zambia(Berberatoday.com)-Wararka ka imanaya dalka Zambia ayaa sheegaya in tiro aan la xaqiijin oo muwaadiniin Soomaali ah ay ku  dhinteen dalka Zambia kadib markii ay ku neef qabitoobeen gaari ay saarnaayeen.

container

Sida ay sheegeen Booliska dalka Zambia iyo dad goobjoogayaal ah ayaa sheegey dad badan oo ka mid ah muwaadiniin Soomaali ah oo saarnaa gaadhi kamida kuwa koonteenaradu ku samaysan yihiin ay dhinteen iyadoo soddon ruux oo kale laga soo badbaadiyay baabuurkan.

Taliyaha ciidamada Booliska Katanga ayaa sheegay in gaadhigan lagu joojiyay gobolka Luapula kadib markii la maqlay dad ka dhex qeylinaya sida ay shaacisay wakaalada wararka ee AP.

t1

Sidoo kale qof goobjooge Humphrey Kapapula ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Zambia ZMBC in dad gaadhaya soddon ruux oo ay ka muuqato dhibaato ay sheegeen in gaadhiga ay saarnaayeen uusan lahayn hawo wanaagsan sidaa awgeedna ay u dhinteen dhowr kamid ah rakaabkii saarnaa gaarigan.

Gaadhigan ayaa sidoo kale waxaa saarnaa digir iyo lows iyadoo dadka saarnaana ay ahaayeen dad si dhuumaalaysi ah ku dhex marayay dalka Zambia.

Ma jirto illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dowlada Soomaaliya ee la xidhiidha dadkan ku neef qabitoomabay gaadhiga. Soomaali badan oo dhalinyaro ah ayaa dunida ku kala firirsan iyadoo dhalinyaradaasna ay dhibaato kala kulmaan dalalka ay u raadsadaan nolol dhaanta tan dalkooda.

t2

Soomaali badan ayaa sii dhex marta wadamo ay ka mid yihiin Zambia si ay u gaaraan dalka Koofur Afrika halkaa oo ay Soomaali badan ku ganacsadaan.

Toddobaadkii hore ayaa la sheegay in dhowr dhalinyaro Soomaali ah ay ku dhinteen saxaraha u dhexeeya dalalka Sudan iyo Libya kadib markii ay cabeen biyo sumeysan,Dhalinyaradan ayaa u socotay dalka Libya si ay ugaga sii gudbaan qaarada Yurub.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews