berberatoday.com
Haayada Cuntada Aduunka Ee WFP Oo Ku Fashilantay Inay Jawaab Lagu Qanco Ka Bixiso Cunto Dhacday Oo Ay Shacab Somaliyeed U Raraysay
June 17, 2016 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Hay’adda Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa u qaabbilsan Cuntada Adduunka ee WFP, ayaa ku fashilantay inay jawaab lagu qanci karo ka bixisay fadeexad soo food-saartay, ka dib markii shalay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Muqdisho Ciidammadu ku qabteen Raashin dhacay oo WFP doonaysay in la geeyo gobolka Gedo.

RAASHINKA DHACAY EE WFP EE LAGU QATAY MADAARKA MUQDISHO 2016

RAASHINKA DHACAY EE WFP EE LAGU QATAY MADAARKA MUQDISHO 2016

Ciidanka Booliiska Soomaaliya ee Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Caasimadda Muqdisho, waxay Salaasadii shalay ku qabteen Raashin dhacay oo isugu jiray Boqol Shey oo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Galley,Masaggo, Caano-boodhe, Saliid iyo Nuucyo kale oo qaybaha Cuntada ee ay Hay’addaasi gargaar ahaanta u bixiso ka tirsan.

RAASHINKA DHACAY EE WFP KU WADDAY GEDO 2016

RAASHINKA DHACAY EE WFP KU WADDAY GEDO 2016

Taliyaha Hoggaanka ilaalada Cashuuraha ee ka tirsan Ciidammada Booliska Soomaaliya, ayaa Saxaafadda uga warramay Raashin dhacay ee ay Ciidanku qabteen, isla markaana sheegay in la doonayey in loo Raro gobolka Gedo oo qorshuhu ahaan in gargaar ahaan loogu qaybiyo dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanno ka tirsan gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya sida Degmada Baardheere iyo goobo kale.

“Hay’adda WFB ayaa laheyd Raashinkan, gacanta ayaan ku dhignay, waxaa la doonayey in Garbahaarey iyo Baardheere la gaadhsiiyo si dadka loogu qeybiyo. Dowlada Soomaaliya Guddi ayey u saari doontaa, waana la baadhayaa Insha ALLAAH, wixii kasoo baxana waan la wadaagi doonnaa Bulshada.” Sidaa ayuu yidhi Taliyaha Cashuuraha Cabdillaahi Xasan Bariise oo Saxaafadda la hadlay markii ay Cuntadaas qabteen shalay.

Hase-yeeshee, Hay’adda WFP, ayaan jawaab lagu qanci karo ka bixin Cuntadan wakhtigeedu dhacay iyo sababta ay u doonaysay inay Dadka Soomaaliyeed ee gobolka Gedo ku dhaqan ugu qaybiso, iyadoo gargaar ahaan ka dhigaysa, kaasoo Muuqaal ahaan ama midab ahaan is-beddelay oo dhaafay wakhtigii la isticmaali lahaa, kaasoo uu u xidhan yahay Sarkaal ka tirsan WFP oo la socday ama qaadi lahaa Raashinkaas sida uu Taliyuhu sheegay, su’aalana laga weydiinayo Cuntadaas dhacday.

Madaxa Xidhiidhka Hay’adda WFP ee Soomaaliya Laylo Cali, ayaa Qoraal kooban oo ay Arbacadii Maanta soo saartay Saxaafadda soo gaadhsiisay, kaasoo ay ku sheegtay in Hay’addoodu ay Raashin dhacay oo ay Muqdisho ku haysaa jirin, isla markaana ay hubinayaan in Raashinkaasi loo kaydiyay si aan wanaagsanayn, taasoo laga yaabo inay ku keentay waxyeello.

Layla Cali waxay qoraalkeeda kooban ee ay Fadeexaddan Hay’adda soo food-saartay kaga hadashay, waxay ku tidhi; “Waan ognahay in muhiimaddayada koowaad ay tahay in dadka aan caawinno, oo aannu siinno Raashin tayo leh oo bad-qaba. Waxaanan sameynaa Tallaabo walba oo aannu ku Hubinayno Tayada Raashinka aan gargaar ahaanta u bixinayno.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews