berberatoday.com
Madaxweyne Siilaanyo: Hal Baa Ku Seegtay Kormeerkii Uu Ugu Tagay Dadkii Roobku Waxyeeleeyay Geeska Afrika Staff Writer
June 17, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Toddobaadkan markii uu roobka khasaaraha gaystay ka da’ay caasimadda Hargeysa, wuxuu Madaxweyne Siilaanyo habeenkii iyo subixiiba sameeyay kormeero laba ah.

 

Madaxweynuhu wuxuu isla habeenkiiba booqday dadkii roobkaasi waxyeeleeyay oo dhaawacooda lagu dabiibayo cisbitaalka Hargeysa, halka uu subixiina soo kormeeray guryaha iyo dhismayaasha uu roobkaasi waxyeeleeyay.

Bulsho badan ayaa soo dhawaysay markii uu Madaxweyne Siilaanyo socdaal deg deg ah kaga jawaabay masiibadaas dadkiisa haleeshay, waxaana loo arkay hoggaamiye shacabkiisa u soo jeeda.

Hase yeeshee waxay shacab badani candhuuftooda dib u liqeen markii kormeerkii Madaxweyne Siilaanyo noqday socod iyo indha-indhayn keliya.  Madaxweyne Siilaanyo, inkastoo wejigiisa laga dareemayay dareen naxdin leh, haddana Madaxweynuhu muu gudan waajibaadkii laga sugayay.

Tusaale ahaan, waxay ahayd in Madaxweynuhu dadka dhaawaca ah ugu bushaareeyo talaabooyin uu ku caawinayo xaaladooda caafimaad, sida in dibadda loo diri doono ciddii dalka waxba lagaga qaban waayo haddii ay jiraan;  in cisbitaalka guud ee Hargeysa siin doono daawayn bilaash ah ama inuu markaas u fidiyo caawimo deg deg ah, maadaama oo ay ku jireen dad badan oo aan awoodayn inay iska bixiyaan cisbitaalada Hargeysa ee qaaliga ah.

Marka labaad, madaxweyne Siilaanyo markii uu soo kormeeray hantida uu roobku burburiyay, wuxuu sidaas oo kale ku soo sameeyay kormeer indha-indhayn ah oo wejigiisa laga dareemayay naxdin. Laakiin marna dadka ay masiibadu ku habsatay kuma darsan wax hadal ah oo uu kaga hadlayo waxa ay dawladu tari doonto, maadaama oo ay yihiin cashuur bixiyayaal ay masiibo haleeshay. Ilaa maanta oo ay dhawr maalmood ka soo wareegeena lama hayo lamana arag wax caawimo ay oo uu Madaxweynuhu gaadhsiiyay dadkaas dhibaatadu haleeshay.

Marka laga tago ahmiyada uu lahaa iyo sida ay madaxtooyadu u buunbuunisay kormeerkaas madaxweynaha, madaxweyne Siilaanyo waxa maalintaas seegtay inuu qaato go’aan geesinimo oo uu dadka dhaawaca ah ee uu cisbitaalka ku booqday gaadhsiiyo caawimo caafimaad oo deg deg ah taas oo qaar badan oo ka mid ahi ay baahi u qabeen iyo in guryihii uu booqday ee dumay uu iyagana intooda danyarta ah ka caawiyo sidii ay guryahooda dib ugu yab-yaban lahaayeen.

Sidaas darteed, caano daatayba dabadood la qabay, madaxweyne Siilaanyo wuxuu weli haystaa fursad uu kaga faa’iidaysto midhkaas hore u seegay, waxaana weli la gudboon inuu ka daba tago kormeerkiisii oo uu u bedelo ficil, caawimana gaadhsiiyo dadka ay roobku waxyeeleeyeen intooda baahan.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews