berberatoday.com
Magaalo Muslimiinta Ku Nooli Soomaan Saddex Saacadood Oo Kali Ah Iyo Dalkay Ku Taalo
June 17, 2016 - Written by Berbera Today

Cumman(Berberatoday.com)-Warbaahinta caalamka qaarkood ayaa maalmahan baahinayey war sheegaya in Tuulo ku taalla dhinaca koonfur galbeed ee wadanka Cummaan ee ka mid ah dalalka Khaliijka Carabtu bishan Barakaysan ee Ramadaan marka la gaadho laga soomo oo keliya saddex saacadood iyo badh.

Magaalo

Waxaa tuuladan oo la yidhaahdaa “Wakan” ku nool boqolaal qof, waana meel loo dalxiis tago oo leh beero qurux badan, buuro, dooxooyin biyuhu ay qulqulayaan iyo meelo kale oo dalxiiska iyo tamashlaha ku wanaagsan.

Tuuladan “Wakan” waxay jooga badda ka sareysaa illaa 2000 Mitir, waxaana warbaahinta qaarkood iyo baraha bulshada lagu faafiyey in qoraxdu ay magaaladan yar u soo baxdo saacadu marka ay tahay 11:00-Am, ayna dhacdo 2:30-pm, taasoo ka dhigan in dadka halkaas ku dhaqan ay soomayaan oo qudha saddex saacadood iyo badh.

Hadaba waxaa wararkan beeniyey warbaahinta dalka Cumaan oo ku tilmaamay sheeko qayaali ah oo la been abuuray.

Wasiirka dhaqanka, dalxiiska iyo diinta Cummaan oo arintan ka hadlay ayaa sheegay in wadankaas laga soomo 15 saacadood, ayna suuragal aheyn in tuulo ka mid ah laga soomo Saddex saac iyo badh.

“Suuragal maaha arinkan, tuuladan waxay caasimada Masqat u jirtaa 150km, waxaa ku wareegsan buuro waaweyn oo sababaya in marka ay soo baxdo qoraxdu aysan dadku hore ka arkin illaa ay oogada cirka soo gaarto, taasina macnaheedu maaha in qorraxdii aanay soo bixin” ayuu yidhi wasiir wax laga waydiiyay arrintan layaabka leh.

Dhinaca kale waxaa la isku raacsan yahay oo aan shaki ku jirin in wadanka ugu saacadaha gaaban soonka uu yahay wadanka Arjantiin oo muslimiinta ku nool ay soomayaan oo kaliya 9 saacadood.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews