berberatoday.com
Xogo Xasaasi Ah Oo Laga Helayo Kiiska Markab Jabuuti Gacanta Ku Dhigtay Oo Ka Dhaxeeya Xuutiyiinta Yemen Iyo Somaliya
June 17, 2016 - Written by Berbera Today

Moqdisho(Berberatoday.com)-Dawladda Waddanka Jabuuti oo garabsaneysa Sirdoonka Waddanka Faransiiska ka jooga dalkaasi ayaa waxa ay wali ku howlan yihiin baadhitaanka Markabkii siday shixnadda gargaar ee u rarnaa Hay’ad lagu magacaabo Islamic Charity Foundation oo la sheegay in ay leeyihiin masuuliyiin ka tirsan maamulka taagta daran ee Magaalada Muqdisho, waddanka Soomaaliya.

markab

Kabtanka wada Markabka MV-LIBERTY, ayaa la sheegayaa in Dawladda Jabuuti uu ku wareejiyay caddeymo iyo liis dheer oo ay ku qoron yihiin mas’uuliyiin dhowr ah oo ka tirsan Dowlada, waxaana ugu horeeya Faarax C/qaadir.

Kabtanka ayaa sheegay in ninka magaciisa lagu soo kireeyay Markabka oo lagu magacaabo Faarax C/qaadir uu ahaa isku xiraha Xuthiyiinta iyo Hay’adda Islamic Charity Foundation.

Waxa uu sheegay in Xildhibaan Faarax C/qaadir uu xubin aad u firfircoon ka yahay Islamic Charity Foundation, sidaana uu ugu dhiiraday in Markabka uu u diro Xuthiyiinta.

Kabtanka oo wali ku jira gacanta Dowlada Jabuuti ayaa sheegay in soo bixitaankiisa ka hor ay wada hadleen Xildhibaan Faarax, balse uu iminka maqal ku heysto in Faarax uu arrintaani iska fogeeyay. Kabtanka waxa uu intaa raaciyay in Dukumiintiyo farabadan looga soo tagay Dalka Kenya kuwaasi oo cadeynaaya kiiska shixnada Markabka. Dowlada Jabuuti ayaa xogo hordhac ah ku heshay in Hay’adda Islamic Charity Foundation ay aasaaskeedu lahaayen mas’uuliyiin iminka ka tirsan Dowlada Somalia oo uu ku jiro C/kariin Guuleed.

Waxaa wali socda Baaritaano waxaana xog buuxda laga helay in Xildhibaan Faarax C/qaadir uu mas’uul ka ahaa inta badan howshaani lagu quudinaayay Kooxda Xuthiyiinta. Dawladda sheegata Federaalka waddanka Soomaaliya ayaa ka gaabsatay Fadeexaddani waxaana jira xidhiidho is daba joog ah oo u dhexeeya iyaga, Yemen iyo Jabuuti.

Source:- Foore

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews