berberatoday.com
“Waxa Loogu Tartamayaa Madaxtooyada, Maalin Baad Ku Taajireysaa Daawo Muuqal” Sheekh Aadan-Siiro Oo Siqota Dheer Uga Hadlay Tartanka Loogu Jiro Boobka Hantida Qaranka Iyo Sida Looga Taajiray
June 18, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siira), ayaa khudbaddii Jimcaha ee Maanta kaga hadlay Talo-saarashada ILAAHAY iyo Sababaha keenay in Dhallinyarada Muslimiinta ee kuwa Somaliland ka mid yihiin isku ekaysiiyaan Dadka Gaalada ah.

Sheekh Aadan-Siiro waxa kale oo khudbaddiisa su’aalo ku geliyey Sababaha keenay in Dadkii Hormoodka u ahaa Ummaddu u kala dheereeyaan Madaxtooyada, isagoo taasi ku fasiray inay tahay in Qofka Xil looga dhiibaa uu muddo yar ku taajirayo.

Sheekha oo ugu horeyn ka hadlaya, Ahmiyadda Talo-saarashada ILAAHAY, ayaa yidhi, “Muslimiinta Waxa halkaa dhigay Waa Markay ka tageen Talo Saarashadii ILAAHAY. Talo-saarashadu waa Adiga oo ka dhabeeya inaad ILAAHAY talo saarato. Markaad doonayso inaad soo qabsato waxay Dantaadu ku jirto, ha noqoto mid Qofeed ama mid Qaranba waa inaad ILAAHAY Qalbigaaga ka buuxiso oo aad isku dhiibto.”

Sheekhu waxa kale oo uu sheegay, “Maxaa keenay Maanta inaynu Addoomo u noqonno Nimanka ku nool halka aad ogtihiin, oo Ilmaheenu Dhegaha Korkooda u xiiro oo uu Surwaalka u xidho siday u xidhaan, Waa dagaalka Maskaxeed Taatikiskiisa iyo yolka fog, waxayna ka mid tahay Dalalka Muslimiinta dhubaatada haysata.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Kuwa Maanta Muslimiinta u arrimiya ayaa Arrin ku dhacayaa, markaasaay odhanayaan ILAAHOOW RIYO nooga dhig, maxaa Riyo lagaaga dhigi waxa lagaaga baahan taladeedii iyo waxqabadkeedii, ileyn Libaaxbaa ku haystee. Muslimiinta markay wax ku dhacaan kama laha Qorshe hore iyo mid dambe midna.”

Sheekh Aadan

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud, waxa kale oo uu ka hadlay Dadka u kala dheereeye Madaxtooyada iyo sida loogu daneysto Xilalka Dawladda, “Dalkeena dhibka haystaa waxa weeyaan Nin Walba wuxuu doonayaa inuu Wasiir noqdo, Nin Walba wuxuu doonayaa inuu Agaasime Guud noqdo oo uu Hay’ad Qabsado. Maxaa keenaya in Keenii Aqoonta lahaa, keennii Madax-dhaqameedka ahaa, Keennii Wadaadka ahaa iyo Dadkii Ummadda Hormoodka u ahaa ku mashquulaan Gurigaa yar ee Morgan dhisay (Madaxtooyada Somaliland) ?. Waxa loogu tartamayaa (Madaxtooyada) Maalin baad ku taajireysaa, ileyn way nagan Dilaalka iyo Malaalka wada noqonaye, maalin baad Baabuur Afartan kun ah helaysaa, maxaa loogu tartamayaa, Maalin baad ku helaysaa Guri weyn, Maxaa loogu tartamayaa, Maalin baad Carruurtaada u direysaa Maleeshiya, Yurub iyo Maraykanka.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ku taliyey, “Waxaanu leenahay Dhaqankaa wax ha laga beddelo (Boobka Hantida Ummadda).”

Berberatoday.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews