berberatoday.com
Hay’adda Xuquuqal Iinsaanka Ee HRC Oo Sheegtay Inaan Sharci Loo Marin Afar Dhallinyaro Ah Oo Loo Xidhay Inay Ka Hadleen Heshiiska Dekedda Berbera
June 19, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xarunta Xuquuqal Iinsaanka Somaliland ee (Human Rights Centre), ayaa Xukuumadda ugu baaqday in si bilaa Shuruud ah lagu siidaayo Afar Dhallinyaro ah oo muddo 14 Maalmood ah u xidhan inay Cabbireen Aragtida ay ka qabaan Heshiiska Dekedda Berbera ee u dhexeeya Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadda DP World.

War-saxaafadeed uu Shalay Hargeysa ka soo saaray Guddoomiyaha HRC Guuleed Daafac, ayuu ku sheegay in Xarunta Xuquuqal iinsaanku ka walaacsan tahay dul-qaad yarida Xukuumadda ee la xidhiidha dhaliilaha loo soo jeediyo.

Waxayna HRC ugu baaqday in Xorriyaddooda loo soo celiyo Afarta Dhallinyarada ah oo uu ku jiro Afhayeenka Garabka Dhallinyarada ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme.

War-saxaafadeedkaasi oo dhamaystiran ayaa u qornaa sidan, “Intii u dhexeeysay 6dii iyo 8dii June 2016, waxa magaalada Hargeysa lagu xidhay afar qof oo kala ah Maxamed Sidiiq Dhamme, Maxamuud Axmed, Nuuradiin Ibraahim iyo Maxamed Ducaale.

Afartan qof waxa la xidhay ka dib markii ay aragtidooda ka dhiibteen heshiis ay wada galeen Dawladda Somaliland iyo shirkadda DP World oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta si ay u maamusho dekedda Berbera.

Afarta qof oo uu ku jiro Maxamed Sidiiq Dhamme oo ah Af-hayeenka garabka dhalinyarada ee Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani waxay ku xidhan yihiin Saldhigga Dhexe ee Hargeysa. Waxa la soo xidhay kadib markii ay ka qayb qaateen shir-saxaafadeed ka dhacay 5tii June 2016 Hoteelka Kaah kaas oo ay ku dhaliileen heshiiska.

Sida ay ilo u sheegeen Xarunta Xuquuqal Insaanka, waxa la xidhay iyada oo aanu jirin amar qabasho oo ka soo baxay Maxkamad kaas oo jideeyey xadhiggooda. Falkaas oo ka soo horjeeda qodobka 25(2) ee dastuurka Somaliland.

Waxa lagu eedeeyey “inay dadwaynaha ku kiciyeen inaanay sharciga adeecin”, sida uu qareenkoodu u sheegay Xarunta. Haddii lagu helo eedahaas waxay waajihi karaan todobo sanadood oo xadhig ah.

Dastuurka Somaliland wuxuu damaanad qaadday xorriyadda hadalka sida ku cad qodobka 32(1). Qodobka 19aad ee Baaqa Caalamiga ah Xuquuqal Aadanaha iyo qodobka 19aad ee Heshiiska Caalamiga ah Xuquuqaha Madani iyo Siyaasadeed waxaay damaanad qaadeen xorriyadda aragtida iyo cabiridda aragtida. Sida uu dhigayo qodobka 10(2) ee dastuurku, Somaliland waa inay raacdaa xeerka caalamiga ah islamarkaana waa inay ixtiraamtaa Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaanka.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ka walaacsan tahay dul qaad yarida aan loo dul lahayn dhaliilaha. Muwaadiniintu waxaay xaq u leeyihiin inay cabiraan aragiyahooda xitaa haddii ay ka soo horjeedo mawqifka dawladda.

Xaruntu waxay ka codsanaysaa dawladda Somaliland inay xorriyadooda si bilaa shuruud ah ugu soo celiso afarta qof ee xidhan isla-markaana inay la noqoto eedaha.

Guleid Ahmed Jama, Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka.

Hargeisa Somaliland

Email: hrcsomaliland@gmail.com  http://www.hrcsomaliland.org/

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews