berberatoday.com
Maxamed Mursi oo Xabsi Daa’in Lagu Xukumay Iyo Xubno kale oo lagu Xukumay DIL
June 19, 2016 - Written by Berbera Today

Cairo(Berberatoday.com)-Maxkamad ku taalla Masar ayaa maanta soo gaba-gabeysay Dacwadda 11 Qof oo uu ku jiro – Madaxweynihii Hore ee Masar, Maxamed Mursi iyo laba wariye oo ka tirsan Telefishinka Al-Jaziira, kuwaasoo lagu eedeeyay khiyaano Qaran oo ah inay Sirta Waddanka Masar u Gudbiyeen Dalka Qatar.

999

Sabtida maanta ah, ayay Maxkamaddu waxay ayiday Xukunkii dilka ahaa ee 07-dii May ay Makxamadi ugu xukuntay lix ka mid ah eedeysanayaasha, iyadoo Garsoorayaasha Sare ee Maxkamadda Qaahira ay sheegeen in go’aankooda uu yahay Midkii kama dambeysta ahaa ee ay maxkamadi gaarto.

Go’aankaan, ayay Qaadiyadu sheegeen inuu ku yimid wada-tashi ay la sameeyeen Muftiga ugu Sarreeya Masar, Sheekh Shawqi Allam – oo ah Wadaadka Dhanka Diinta ugu Sarreeya Dalkaas, si ay go’aan kama dambeys ah uga gaaraan dacwadan.

Qaanuunka Dalka Masar, ayaa dhigaya in Xukunka dilka toogasho ogolaasho toos ah looga helo Muftida ugu Sarreeya, Inkastoo go’aankiisa uusan ahayn Kan ugu dambeeya, Balse ay tahay in Tix-gelinta koowaad la siiyo go’aanka ay Maxkamaddu gaadho.

Madaxweynihii Hore ee Masar, Maxamed Mursi ayaa waxaa horay loogu riday Xukun 25-Sano oo xabsi ah; iyadoo Xukunkan xukunkan xabsi daa’inka ah la sheegay inuu ku yimid dambiyo cusub oo lagu soo eedeeyay Mursi.

44

Sidoo kale, laba gacan-yare oo la shaqeynayay Mursi ayaa iyagana lagu Xukumay Xabsiyo kala duwan, kuwaasoo kala ah; Amin el-Sirafy iyo gabardhiisa oo lagu magacaabo Karima.

Dhanka kale, xubnaha lagu xukumay dilka toogasho ayaa waxaa ka mid ah; Ibrahim Helal oo aan Masri ahayn, Laakiinse ahaa; Agaasimihii Wararka ee Al-Jazeera TV Qaybtiisa Af-Carabiga, Waxaana Xukunkan lagu riday isagoo aan Maxkamada ku ahayn xaadir.

Ibrahim Helal, ayaa lagu eedeeyay inuu Sirta Qaranka Masar u gudbiyay Waddanka Qatar, inkastoo Hay’adaha u Dooda Xuquuqda Aadanaha ay dacwaddiisan ku Tilmaameen mid la siyaasadeeyay – oo aan loo marin waddadii saxda ahayd.

Waxaa kaloo Dil Toogasho ah lagu Xukumay – iyagoo maqan; Alaa Sablan oo ka mid ahaa Wariyeyaasha Al-Jazeera iyo Asmaa Al-khatib oo isagana ka Tirsanaa  TV-ga Rassd News Network, kaasoo lagu sheegay inuu Taageere u ahaa Maxamed Mursi.

Xubnaha kale ee Toogashada lagu Xukumay, ayaa Waxaa ka mid ahaa; Ahmed Afifi oo ah dhaqdhaqaaqe siyaasadeed, Mohamed Kilani oo ahaa duuliye iyo Ahmed Ismail isagana ah aqoon-yahan, kuwaasoo ku jira xabsiga dhexe ee Waddanka Masar.

Ugu dambeyn, Maxamed Mursi oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Shacabka Dalka Masar ay si xor ah u doorteen, ayaa Waxaa Xukunka ka Tuuray Sannado ka hor Millateriga Waddanka Masar oo uu Hoggaaminayay madaxweynaha xilligan Cabdulfataax Al-Sissi.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews