berberatoday.com
Xukuumadda Oo Lagu Eedeeyay Inay Garan-weyday Inay Cisbitaal Geyso Afhayeenka Dhallinyarada WADDANI Oo Ku Dhex Xanuunsanaya Saldhigga Dhexe Ee Hargeysa
June 19, 2016 - Written by Berbera Today

Maxamed Sidiiq DhameHargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa mar kale ka hadlay Xadhig Xukuumaddu u geysatay Afhayeenka Garabka Dhallinyarada ee WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme iyo Dhallinyaro kale oo ka soo jeeda Gobolka Saaxil, kuwaasi oo Xadhiggooda loo cuskaday inay si khaldan uga hadleen Heshiiska Maal-gelinta Dekedda Berbera.

Afhayeenka Guud ee Xisbiga WADDANI Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo Shalay u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA, ayaa sheegay in Afhayeenka Garabka Dhallinyarada ee Xisbiga WADDANI uu soo waajahay Xanuuno uu ka mid yahay Gaastarigu, laakiin Xukuumaddu garan weyday inay Cisbitaal geyso.

Xildhibaan Buubaa oo ugu horeyn faahfaahinaya Xadhigga Dhallinyarada WADDANI, ayaa yidhi, “Muddo laga joogo dhowr iyo Toban Maalmood ayay Xukuumaddu xidhay Maxamed Sidiiq Dhamme iyo Dhallinyarada kale. Xadhiggoodu wuxuu daaranayaa kulan ay dhallinyarada Aqoonyahanka ee Gobollada Somaliland, kaasi oo ay kaga hadleen dhaliilaha uu leeyahay Heshiiska Dekedda Berbera ee dhex maray Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Shirkadda DP World ee Imaaraadka laga leeyahay, waxaana lagu xidhay Fikirkooda Xorta ah ee Dastuurku siiyey. Laakiin Arrinta kale ee foosha xun ee meesha ka dhacday waxay ahayd in Dhallinyarada oo iskugu jiray Beelaha Somaliland waxa laga xushay oo keliya Dhallinyarada Maxamed Sidiiq Dhamme ka mid yahay oo ka soo jeeda Degmada Berbera ee Gobolka Saaxill Arrintaasi waa Mid aad u xun, Xisbi ahaana waanu Cambaareynaynaa.”

Afhayeenka WADDANI waxa kale oo uu sheegay, “Maxamed Sidiiq Dhamme wuxuu ku xidhan yahay Saldhigga dhexe ee Hargeysa, wuxuu lahaa oo ku kacay Xanuuno Caloosha ah, sida Gaas-tariga ah, Xukuumadda oo xadhig Xaq-daro ah u heysa waxay garan-weyday inay Cisbitaal geyso ama Dhakhaatiir ugu geyso Saldhigga.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Markii Maxkamadda la geeyay waxa lagu soo eedeeyay inay wadeen kicin Dadweyne, markaa waxaanu qabanay Qareenno u dooda, laakiin Nasiib-darada meesha ka jirtaa waxa weeyaan ku dhaqankii Sharciga ayaan jirin, oo Qofka intii la doono ayaa la iska heysanayaa.”

 

 

Berberatoday,com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews