berberatoday.com
Xanuunka Kansarka Oo Faro-baas Ku Haya Dadka Ku Nool Muqdisho, 174 Ruux Oo Bishii Koowaad Ee Sannadkan Oo Keliya La Dhigay Cisbitaallada Iyo Waxyaabaha Loo Aaneynayo
June 21, 2016 - Written by Berbera Today

“Waxaanu ka shakisan nahay in raashinka iyo dawooyinka dhacay ee dalka la soo galiyo ay yihiin asbaabta kiisas badan oo kansar ah..” Dr. Xuseen Abshir Xasan

Muqdisho(Berberatoday.com)-Dhakhaatiirta jaamacadda UNISO ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in kiisaska Cudurka kansarka ay soo bateen sanadkaan dalka gudihiisa.

Warka Labaad (1)Dr Xuseen Abshir Xassan oo ah madaxa waaxda kansarka ayaa sheegay in 174 Ruux la dhigay Cisbitaal ku yaalla Muqdishi bishii January.

Wuxuu mid ka mid ah idaacadaha ku baxa afka Soomaaliga u sheegay in noocyo kala gedisan oo kansar ah laga helay bukaanadaas sida kansarka huunguriga, beerka, dhiigga, lafaha, afka iyo maqaarka.

Waxaa dadkaa bukaanada ah ay yimaaddeen Cisbitaal ku dhex yaalla jaamacadda Soomaaliya ee degmada Howl-wadaag ee Muqdisho, sida uu sheegay Dhakhtarku.

Dr Xuseen ayaa sheegay in korodhka ku yimid tirada kiisaska loo aaneynaayo asbaabo faro badan.

“Waxaanu ka shakisan nahay in raashinka iyo dawooyinka dhacay ee dalka la soo galiyo iyo sunta hadhaadiga ah ee sida sharci darrada ah loogu qubo dalka ay yihiin asbaabta kiisas badan oo kansar ah. Asbaabo kale waa nafaqo darro abaaruhu keeneen iyo walwal joogto ah oo dagaalada sokeeye ay dhaliyeen,” sidaa ayuu yidhi.

Wuxuu sheegay in bukaano badan oo kansar qabay oo aan durba la keenin Cisbitaalada si looga daweeyo dib u dhacna uu ku yimid, ay qasab noqotay in xubno jirkooda ka mid ahaa laga jaro si looga hortago faafitaanka kansarka.

Bukaanadu badanaa wey qarinaayeen cudurkaa ay qabaan ama qabeen, ayuu sheegay Dr. Xuseen, isagoo intaa ku daray in sidoo kale ay jiraan sababo kale oo loo aaneynayo inay Cudurka keenaan, sida Cabbitaanka Shiishadda, Sigaarka, Fadhiga badan, Jimicsi la’aanta iyo waxyaabo kale oo badan.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews