berberatoday.com
RAMAAX MA WUXUU ISNA MASHRUUC KUSOO QAATAY SIDII UU DADKA REER BERBERA UKALA QAYB-QAYBIN LAHAA?.Qalinkii Siciid Cabdilaahi Cilmi
June 22, 2016 - Written by Berbera Today

Badhasaabka Gobolka Awdal Mr Mohamoud Ali Sulaiman (Ramaax) iyadoo sida la ogyahay Ujeedada uu ujoogaana ay tahay sidii uu uga howl geli lahaa Meel-marinta mashruucan wareejinta DEKEDA Berbera isagoo qaabilsan kala qayb-qaybinta bulshada reer SAAXIL & sidii uu adeegsan lahaa

Waxaa 4-tii habeen ee ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Berbera Badhasaabka Gobolka Awdal Mr Mohamoud Ali Sulaiman (Ramaax) iyadoo sida la ogyahay Ujeedada uu ujoogaana ay tahay sidii uu uga howl geli lahaa Meel-marinta mashruucan wareejinta DEKEDA Berbera isagoo qaabilsan kala qayb-qaybinta bulshada reer SAAXIL & sidii uu adeegsan lahaa dad uu ku adeegto una isticmaalo sidii ay u odhan lahaayeen mashruucaas wareejinta DEKEDU waa mid inoo dana isla markaana isna uu Luuqadaas kaga hadlaayo fagaarayaasha bulshadu ku kulanto Magaalada Berbera balse hadii Su,aal laga waydiiyo faa,iidada mashruucani leeyahay aanu ka jawaabayn waxaa kaloo la ogyahay In Mr Ramaax uu weli quudaraynayo sidii uu ugu soo noqon lahaa Kursiga badhasaabka ee Gobolka Saaxil oo uu weli kaqabo rajo buuran
 
Dhanka kale waxaa Mr Ramaax hada beryahan dambe lagu tiriyaa Shikhsiyaadka ugu dhow-dhow Madaxtooyada gaar ahaan xaga Islaanta iyadoo marka uu galo madaxtooyada ay isu taagaan Ilaa Wasiiradu, taasoo ku tusaysa awooda uu kuleeyahay talada dalka, waxaanu ka midyahay KAADIRIINTA loo dhegaha nugulyahay hada waxna laga waydiiyo arimaha Xaasaasiga ah waxaanad arkaysaa mar kasta oo dhaqdhaqaaq ka jiro Berbera Ramaaxoo markiiba tegay Berbera, waxaana sabab u ah taas isagoo usheegta Madaxtooyada inuu yahay nin kasoo jeeda deegaanka Saaxil isla markaana awood ku leh oo aad looga dambeeyo isla markaana aanay jirin cid kaga haboon xalinta arintaa
Hadaba Mr Ramaax oo dadka reer berbera ay uhayeen abaal hore gaar ahaan beesha uu kasoo jeedo ee ugu balaadhan deegaanka saaxil wakhtigii doorashada Mayor ka berbea ayaa hadana mMayor-kii uu keenay kunoqday reer berbera mid aanay ka filayn Ficilada uu ku kacay iyadoo marba mark aka dambaysay mayor-ka berbera & bulshadu  ay sii kala fogaanayeen isla markaana Ramaaxii la jeclaa Gadaal laga nacay, ayaa hadana u muuqda mid dhaxal wareejinaya intii yarayd ee umada uhadhay gaar ahaa deegaanka saaxil oo ah DEKDEDA, waxaan leeyahay raamxow berbera waxba kuugumay hadhin Dowladan sii GADOOMAYSANA waxba kuugumay hadhine intaadii qaadatay ee Last-Time-ka ha TOOBAD SEEGIN tolkaana haka qodan qaadan
Qalinkii Siciid Cabdilaahi Cilmi
Email Sacilmi@gamail.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews