berberatoday.com
“Dhacdada Jaamac-Dubbad Waxay Na Xasuusinaysaa Tii 1988-kii, In La Iska Laayo Dad Isaaq Ahina Waxay Muujineysaa Inay Weli Jiraan Dad U Hamuummaya Dhiigga Dadkayaga…”
June 23, 2016 - Written by Berbera Today

“Dawladda Somaliland waxaanu ka rabnaa inay Warqad u qorto Maamul-Gobolleedka Puntland oo ay ka codsato in loo soo Gudbiyo Morgan oo Boosaaso noo soo fadhiya..” Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa Dawladda Somaliland ugu baaqay inay Maamul-Gobolleedka Soomaaliyeedka Puntland ka codsato inay u soo Gacan-geliso Gacan ku-dhiigle Maxamed Siciid Moorgan oo ka mid ahaa Saraakiishii Milletariga Dawladdii Siyaad Barre oo Magacyada kula baxay Xasuuqii Dawladdaasi Shacabka Somaliland u geysatay Siddeetamaadkii.

Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay inay Qalad tahay in Dawladda Somaliland doonan kari waydo Dadka Morgan ka mid yahay ee Godobta ka galay Shacabka Somaliland oo hadda ku sugan Puntland isla-markaana la hadal hayo in Madaxweynaha Puntland u Magacaabayo Taliyaha Ciidammada Daraawiishta ee Maamulkaasi, sidaa daraadeed waxa uu Xukuumadda u soo jeediyey inay Puntland ka codsato in loo soo Gacan-geliyo Mr. Moorgan si Caddaaladda loo hor-joojiyo.

Guddoomiyaha UCID oo Shalay ka hadlayey Shir-jaraa’id oo uu ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa isaga oo arrimahaa ka hadlaya yidhi, “Wax Kale iska daayoo Morgan baa Maanta inoo soo fadhiya Boosaaso. Dawladda Somaliland waxaanu ka rabnaa inay Warqad u qorto Maamul-Gobolleedka Puntland oo ay ka codsato in loo soo Gudbiyo Ninkaa (Morgan), si Maxkamadda loo horkeeno. Godobteennii oo Boosaaso joogta ayaynaan doonan kareynin (Morgan) maxaynu nahay.? Dadkii uu Maxamed Siyaad Barre ka soo Raafi jiray Xamar ayaa looma Ooyaan loo bixiyey Berigaa, Imika Innagiibaa Dadkeennii ka dhignay Looma Ooyaan.”

Faysal waxa kale oo uu Shacabka ku canaantay inaan Cid keliya aanay ka shaqeynin sidii Hay’adaha Laanqeyrta Cas iyo Bilaha Cas ay Xeebta Jaziira ee Duleedka Muqdisho ka  soo qaadaan Meydadka 47 Qof oo Reer Somaliland ah oo Sannadkii 1989-kii lagu Xasuuqay halkaasi, “Reer Kasta waa laga dhintay, haddana ma jiro Cid odhaneysa Meydkayagii na tusa wuxuu yaalaa Xeebta Jaziira’e. Meydka 47-kii Qof ee lagu Xasuuqey Xeebta Jaziira ayaa yaalla Bacaadka Xeebta, waxaynu la’nahay Awood aynu Laanqeyrta Cas iyo Bisha-Cas ugu nidhaahno noo soo qaada. Waxaan ka xumahay in Shirkii Turkiga ee (Somaliland iyo Soomaaliya) Dadkeennii uu Siyaad Barre Xasuuqay laga dhigo Arrin Caam ah oo la yidhaahdo waanu Cambaareynaa Xasuuqaa Siyaad Barre u Geystay Shacabkii u badnaa Reer Waqooyiga oo Maanta Kiiskeenii Xasuuqa ahaa la aasay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ka hadlay Dadkii dhawaan lagu laayey Deegaanka Jaamac-dubbad ee Degmada Gaashaammo ee Gobolka Jarar ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, waxaanu tilmaamay in Dhacdadaasi Shacabka Somaliland xasuusinayso Xasuuqqii Dawladdii Siyaad Barre u geysatay Siddeetamaadkii, “Dhacdada Jaamac Dubbad waxay na Xasuusinaysaa tii dhacday 1988-kii, in la iska Laayo Dad Isaaqa ah oo Carruur ku jirto.”

Guddoomiye Faysal, oo hadalkiisa sii wataa waxa uu sheegay, “Annagu (Falkaa Jaamac Dubbad) uma haysanno Dawladda Federaalka Itoobiya, ee waxaanu u haysannaa Dadka ay ka kooban tahay Dhulkaa 400KM ah ee ka dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland, Waayo? Waxa ka shaqeynaya Arrintan Dad Awood ku leh Dawladda Federaalka Itoobiya, oo doonaya inay Bahalo galeen ka dhigaan Dhulkaa ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, si ay Dadka Somaliland ka soo jeeda ee Dhulkaa ku dhaqan uga dhigaan inay Dawladda ka soo horjeedsadaan, markaa waxaanu ka codsanaynaa Dawladda Federaalka iyo ta Kililkaba in arrintaa la baadho, haddii kale waxay nagu soo celinaysaa Arrintaa Jaziira (Xasuuqii Xeebta Jaziira oo kale) iyo inay weli Dad u Hamoommayaan Dhiigga Dadkayaga.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews