UK: Maxkamad Ku Taalla Magaalada Bristol Oo Bilowday Dhageysiga Dacwad Ka Dhan Ah Nin Soomaali Ah Oo Loo Haysto Inuu Dilay Xaaskiisii
June 23, 2016 - Written by Berbera Today
Magacyada Eedaysanaha Soomaaliga Ah Iyo Marxuumadda Uu Ku Dhagaroobay
Bristol(Berberatoday.com)-Maxkamad ku taalla Magaalada Bristol ee Dalka Ingiriiska, ayaa bilowday Dhageysiga Dacwad loo haysto Nin Soomaali ah oo ku eedaysan inuu Qudha oo uu dilay Xaaskiisa oo iyaduna Soomaaliyad ahayd.
Ninkan Maxkamaddu bilowday Dhageysiga Dacwaddiisa oo Magaciisa lagu sheegay Cabdirashiid Khadar, ayaa la sheegay inuu 26-kii Juley ee Sannadkii 2015-kii Middi ku dilay Xaaskiisa oo Alle ha u naxariistee Magaceedu ahaa Amaal Cabdi.