berberatoday.com
Maxaa Sababay in Musharrax Muuse Biixi Fagaayaraasha lagu kulmo ka aflagaadeeyo Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirka madaxtooyadda maxamud Xaashi, oo dadka u sheego inay Yihiin kuwa aan Doorasho Qabanayn ee dalka Boobaya!!! W/Q Cabdifatax X Axmed
June 24, 2016 - Written by Berbera Today

Gudoomiyaha Xisbiga tallada haya ee Kulmiye ayaa mudooyinkii u danbeeyey ka werwersan dib u dhac ku yimaadda Doorashadda, isagoo qabba aragti ah inaanay Xukuumadda hadda jirtaa diyaar u ahayn inay xilligeedi ku qabato. Hadaad Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi la yeelato kulan oo aad ka xog waraysato hiigsigiisa Mustaqbalka ee madaxtimo waxa uu kuu sheegaya inaanu habayaraatee ka qabin wax rajo ah. 
Waxanu intaa badan arrimaha daliil uga dhigaa Madaxweyne Siilaanyo oo uu muuse Biixi ka aaminsan yahay Tuug dalka boobay isaga iyo weliba qoyskiisu, waxanu muuse markaad usii dhabba gasho sheekadiisa uu quus kaa joojinaya guul danbe oo xisbiga Xukuuumadda ee kulmiye gaadho waxanu tusaalayaashiisa kamid ah, dhaqamadii ay dalka kusoo kordhiyeen oo ay kamid ahayd madaxtooyadda ay ka taliyaan gacmo badan oo xidid iyo xigaal iskugu jira.
Muuse markaad hadalkiisa kagan ee uu dhawr jeer dad aan kamid ahay uga sheekeeyey, kamid ah in madaxweynaha xisbiga kulmiye ee hadda tallada qaranku gacantiisa ku jirto uu yahay Nin beel keliya aragtideeda iyo mawqifkeedda ku shaqeeya,  sidoo kale waxa uu muuse Biixi muujiyaa nacaybka gaws danbeedka uu ugu hayo beesha Madaxweyne Siilaanyo, isagoo markastaa badka soo dhigga ficillo hore oo uu ku kacay Madaxweyne siilaanyo xiiligii jabhaddii iyo weli kuwo uu ku kacay Wasiirkiisa madaxtooyaddu xiligii uu marxuum Cigaal dalka maamulaayey. 
Muuse Bixi maha Nin qarsada ama daaha saara nacaybshaha cidda uu diidan yahay, waxa kaaga markhaatiya wuxuu ku odhanayaa “Weli miyaad i aragteen anigo Madaxweyne Siilaanyo uga mahad celinaaya tanaasulkii uu ugu garab galay ee xilka musharraxnimadda kulmiye waa maya. Sababta miyaad garanaysaa waxa weeye intaas oo jeer ayuu rabba in kolba aanu doorasho gelin ee uu kordhisto waar meeshan waxba nooma yaalan.  Laakiin waa inaan ka saarna kuwan meesha horta”. Sida daraadeed marna ma Wada jaan qaadi karaan Musharrax muuse iyo muddo kordhin. Maadaama oo xisbiga kulmiye isaggu isku mucaarid yahay.
W/Q Cabdifatax X Axmed 
Hargeysa/Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews