berberatoday.com
Warbixin koobansanaysa Maalgalinta DP World, Jabouti Ku Samaysay iyo Somaliland Rabto Inay Ku Samayso
June 24, 2016 - Written by Berbera Today

Sandii 2000 Dawlada Jabouti iyo Shirkadda DP World waxay aasaaseen Shuraako ay ku samayneyeen Dekeda weyn ee dorale  ee lagu qiyaaso dekeda ugu casrisan geeska affrica iyo wadmada East Affricaba maalgashiga noocan ah ayaa looyaqaan (Join venture Investment) waa heshiis labada dhinac wax isku darsanyaan si ay ugu qabtaan shaqo la ciymay iyagoo kaashanaaya khayraadkay haystaan. HESHIISKANI waxaa laysku raacay in 20 sandood (20 year) ay DP world ku shaqayso dekeda in kastoo ay jiraan in 2006 dib lookala saxeeday inay  30 sandood maamusho, waxaana wakhtigaa bilaabmay hore bilaabay  dhisidii dekeda casrigaa waxaana lagu daray terminal containers casriya oo xadhiga  laga jaray sandkii 2008 bishii December 15 keedii.

Haddaba markii ay shirkada DP world ay gacanta ku haysey mudo 14 sano ah ayaa khilaaf soo kala dhexgalay shirkadda DP World iyo Dawladdii Jabouti walaw arin siyaasadeed ay la xidhiidhiyeen dadka wax taxliiliyaa haddana khilaafku wuxuu ka bilaabay in Jabouti ku andacoonayso inay laalush kubixisay shirkadda DP World sidii heshiiskani u socon lahaa oo MR Bore oo markaa ahaa maareeyihii dekedaha Jabouti Mateleyna dawladda jabouti uu khiyaamo qaran sameeyey isdaba marina ku helay lacag dhan $150 million taas oo shirkadda DP World 5 million oo ka midda ay laaluush u siisay markii heshiisku socday isaga iyo lataliyayaashii (Consultants) si uu ufududeeyo heshiiska.

Tan oo shirkadda DP World samacadda ay dunida ku leedahay aan u fiicnayn waayo waxay gacanta ku qabatay in ka badan 65 terminal oo aduunyad ku yaala Dacwadaasi bilaabantay waxayna isku dhac wayn ku riday dawladii jabouti iyo DP World oo rabtay markaas inay maamulka dekedda sii wado taas eedaana si adag iskaga difaacaday oo iminka London loo wareejey,  oo lagu tilmaamay in shirkadda DP world ay ka xuntahay inay gacanteeda ka baxdo terminal muhiim u ahaa shirkadda oo ah mid isku xidha qaaradaha waaweyn ee dunida sida Africa, Asia and Europe.

Haddaba wixii intaa ka danbeeyey shirkadda DP World waxay ka shaqaynaysay sidii ay bedelkeedii uga heli lahayd Biyaha badda cas iyo geeska Africa oo strategy u ah affricada kale iyo aduunwaynaha ayaa isku dayday inay maalgaliso ereiterya lkn arinkaa wuxuu u cuntami waayey macaamiisha larbay inay isticmaalaan oo Ethiopia ah islmarkaana waxaa la eegay Somaliland oo shirkadu ka cabsi qabtay inay tahay wadan aan la aqoonsan isla markaana dawlada federalka Somaliyana aan lagala heshiin Karin oo aanay awood u lahayn xiligan inay heshii aduunyadda kula gasho deegaanada Somaliland ayaa talo ay ka heshay DAWLADDA Ethiopia lasla gartay inay ku dhiirato in si toosa Somaliland heshiiska loola galo taas ayaa keentay in Shirkadda DP world ay maalgalintan ku dhiirato yadoonay sida muuqata iminka heshiisku aanu soo wada bixin haddana warar hora dhaca ayaa sheegaya in 30 sandood uu yahay maalgalintuna tahay 430 million.

Haddaba waxaa jira buuq iyo Jahawareer ku taagan magaaladda berbera iyo guud ahaan Somaliland oo ku saabsan dekedda berbera iyo DP WORLD anigu rayi ahaan waxaan qabaa in Isfahan daradu ka timi xaga xukuumadda Somaliland oo aad moodo inay wax qarsanyaan WAAYO HORAA LOO YIDHI NIN GUNTI XUMI INUU WAX QARSAMAYO AYAAD MOODA

in kastoo dad masaakiina oo waxma garataa ay mudaharaad dhigeen haddana Isfahan la,aan baa jirta.

Waxaa loo baahanyahay in xukuumadu u cadayso heshiiska oo si faahfaahsan looga hadlo si dadka Berbera ku dhaqan looga jahli tiro Nooca maalgashigu noqonaayo waayo dekeda berbera waxaa ka shaqeeya waxay u badanyihiin xamaal iyo murqmaal haddii oo ka kooban beelaha Somaliland oo dhan Haddii layidhaaho xamaalkii waa laga gudbayaa iyaga maxaa u naf ah ayaa loo baahanyahay markastana waxaan ugu baaqayaa dadka reer berbera in wixii horumara la soo dhaweeyo oo looga hadlo si cilmiyeysan wixii la diidanyahay ee aan rabshad lagag jawaabin.

Haddaba Dekedii dooraale waxaa iminka la wareegay oo maalgalin ku samaynaya China isna daawo sida uu u maalgalinyo.

Maalgalinta china ee dorale waxay noqonaysaa sidan:

Lacagta guud ee labada phase ee hore uu galinayaa waa in kabadan U$ 590 Million (Phase 1 & 2) oo  phase ka koowaad uu yahay 30 bilood (30 months).

Waxayna kala noqonaysaa sidan:

Let us look how china will build the Dorale Port according to the quality of the port

  1. 15 berths of 1200 m long and 16 m water depth
  2. 690 hectares of total land area
  3. 23 hectares for Containers Terminal
  4. 57 hectares for General Cargo Yard
  5. 20 hectares for Bulk Terminal
  6. 15 hectares for Vehicles Yard
  7. 35000m2 storage area for solid fuels, Steam Coal,Pet Cok,,,Warehouses
  8. Accommodating for Capesize vessels (Up to 100,000 DWT)

 

 

Wabilaahi tawafiiq

 

Ahmed Suleiman Omar (Ahmed guuto)

Email: ahmedhaamud@gmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews