berberatoday.com
Khilaaf Diimeed Oo U Dhexeeya Culimada Qaadiriya Iyo Salafiyiinta Oo Ka Istaadhmay Magaalada Caynaba Ee Gobolka Saraar
June 25, 2016 - Written by Berbera Today

Caynaba(Berberatoday.com)-Khilaaf Baahsan oo mudooyinkii u danbeeyeyba soo jiitamayay ayaa Soo kala dhex galay Qaar ka mid ah Culimada Ku dhaqan Magaalooyinka Hoos yimaada Gobolka saraar ee Somaliland Kaasi oo aanay Xukuumada Somaliland waxba ka qaban

IMG_F776D5-3752FA-476017-5B21AE-9901DA-CF3B86

Khilaafkan ayaa ah mid u dhaxeeya Culimada Qaadiriya iyo Salafiyiinta kaasi oo la sheegay inuu Mudooyinkanba soo jiitamayay waxaana wararkaasi noo xaqiijiyay Ilo Xogogaal ah oo ku dhaqan Magaalada Caynaba.

 

Wararku waxay intaasi ku darayaan in Khilaafkani Ka Bilaabmay Wacdiyo Diini ah oo ay Culimada Qaadiriya ku qabaneyeen Magaalada lagu Magcaabo Wadaamo-Goo oo Hilaadi labaatan Km Dhinaca Galbeed kaga Beegan Caynaba isla markaana ay Culimada Salafiyiintu isku dayeen inay Joojiyaan Taasi oo Dhibaato Khilaaf Diimeed ooh or leh ka Abuuraysa Deegaanka.

 

Xubno wasiiro Ah ayaa la sheegayaa inay Haatan ku sugan Yihiin Magaalada caynaba Kuwaasi oo u Jooga Daminta Dagaal Beeleed Beelo walaalo ah ku dhex Mari Lahaa Deegaanka caynaba waxaana la sheegayaa in Kooxdan Salafiyiinta Ahi ay Wasiirada Gaadhsiiyeen inay Joojiyaan Wacdiyadan Diiniga ah ee Ay Culimadan Qaadiriya Ka wadaan Gobolka Balse wasiirada Ayaa Arintooda u Gudbiyay Gudoomiyaha Gobolka Saraar oo ay u Sheegeen inuu Xaliyo Khilaafka Labada Dhinac.

 

Wararka ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Gobolkaasi aanu ku Dhaqaaqin Wax xalin Khilaaf ah Balse uu Si Cad ugu Badheedhay Culimada Qaadiriya Isagoo ku Amray inay Gebi ahaanba Joojiyaan Wacdiyada Diiniga ah ee Ay Bisha Ramadaan ka wadaan Deegaamada Gobolka gaar ahaana Wadaamo-goo iyo Waridaad

 

Si kastaba ahaatee Lama garanayo Sababta Gudoomiyaha Gobolka uu dabka uga dhex shidayo Culimada Gobolka waxaana ay Culimada Qaadiriya ugu Baaqaysaa Xukuumada Somaliland gaar ahaana wasaarada Diinta iyo Awqaafta inay si degdeg ah Wax uga qabato Talaabo ka qaado cid kasta oo Khilaaf diimeed ka Hurinaysa Deegaamada Gobolka

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews