berberatoday.com
Laacibka Cesc Fabregas Oo Sheegay In Ka Bixidda UK Ee Midowgay Yurub Ay Dhibaato Weyn U Keenayso Premier League
June 25, 2016 - Written by Berbera Today

FabregasParis(Berberatoday.com)-Laacibka khadka dhexe uga ciyaara Chelsea, ee Cesc Fabregas ayaa ka mid noqday ciyaartooyo niyad jab iyo wallaac ka muujiyey go’aankii ay dadka Britain ugu codeeyeen inay doonayaan inay ka baxaan Midowga Yurub.

Fabregas wuxuu sheegay in codka ay dadku ugu codeeyeen haa, uu ahaa mid niyad jab leh, taban oo waxyeello ku ah horyaalka Premier League.

“Waa go’aan aad looga niyad jabo oo saamayn taban ku yeelanaya dad badan.” sidaas ayuu yidhi Cesc oo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu ku qabtay France.

“Shakhsiyan, waxaan u arkaa khalad, manaan filaynin. Markii aan seexanayey niyaddaydu may wanaagsanayn, markii aan soo kacayna warkan ayaan la kowsaday. Waxay ila tahay in waxyeelo soo gaadhayso Premier League. Waxa ku adkaan doonta inay ciyaartoy soo iibsadaan, mushaharooyinka ayaa isbeddeli doona haddii lacagta Pound ay ku dhowaato Lacagta Euro.” ayuu raaciyey.

Waxa uu intaas ku daray in go’aankani uu mushkilado badan ku abuuri doono dhamaan nolosha iyo mustaqbalka dadka oo aanu ku koobnaan doonin kubadda cagta oo kaliya.

Fabregas ayaa hadda ku sugan waddanka France oo uu dalkiisa Spain kala qayb-gelayo tartanka Euro 2016, waxaana uu isku diyaarinayaa ciyaarta ay kala hor tegi doonaan Italy.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews