berberatoday.com
Wariye Sidiiq Carab Saleebaan Oo Maalintii Lixaad Saldhiga Dhexe Ee Berbera Sife Sharcidaro Ah Ugu Xidhan
June 25, 2016 - Written by Berbera Today

sidiiq CarabBerbera(Berberatoday.com)-Waxa maalintii lixaad sife sharcidaro ah ugu xidhan saldhiga dhexe ee Berbera Wariye Sidiiq Carab Saleebaan oo ka hawlagala Tvga Madaxa Banaan ee SBC ugana warama Gobolka Saaxil. wariyaha ayaa laga soo xidhay wiigan horaantiisii degmada sheekh oo uu ujoogay arimo la xidhiidha xaaskiisa oo dagan balse waxa uu wariyuhu la kulmay mudaharaad jidadka magaaladaas taayiro lagu gubaayay oo uu sawiro ka qaatay kadibna waxa Hutelka uu daganaa ugu tagay oo kasoo Xidhay qalabkii uu sitayna ka qaaday Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Sheekh Aaamin Maxamed Cabdi iyo Ciidan uu hogaaminaayay, waxaanu isla maalintii la qabtay haabenimadeediiba loo soo dhaadhiciyay wariyaha iyo dhawr qof oo mudaharaadkaas loo xidhayna magaalada Berbera oo uu ilaa hada ku xidhan yahay iyada oo aan wax danbiya oo uu galayna aan maxkamad lagu geynin wax qoraal ah oo danbiga loo haysto laga sameeyayna aanay jirin. 

Masuuliyiinta Gobolka Saaxil oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Gobolka Saaxil iyo taliyaha qeybta Booliska Berbera oo bahda warbaahinta gobolka Saaxil kala hadashay xadhiga sharcidarada ah ee wariyahan ayaa waxa ay ka gaabsadeen inay jawaab saxa ka bixiyaan xadhiga wariyaha sidoo kale waxa ay ka gaabiyeen inay sida sharcigu dhigaayo in hadii qofka danbi lo haysto Maxkamada lagu geeyo iyada oo marka horena aan sifaha sharcigu jideeyay lo marin xadhiga wariye Sidiiq Carab sidoo kale waxa uu wariyuhu sheegay in markii laga soo xidhaayay Hutelka dawaare ee Degmada sheekh uu ka daganaa Ciidanka uu watay taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Sheekh ay jugo iyo jidh dil ugaysteen ilaa hadana aan Cisbataal iyo daaweyntoona la gaynin.sidoo kale waxa sharci daro ah in qofka in ka badan 24 saacadood saldhig boolis lagu hayo waxaanad moodaa in wariye Sidiiq Carab xadhigiisa lagala war wareegayo in Maxkmada la geeyo maadama oo anay jirin sharci udiidaya wariyaha inuu sawiro iyo Muuqaalba ka qaadan karo dhacdo hortiisa ka dhacaysa oo dhab ah.

Xadhiga wariyahan ayaa kamida ah tacdiga iyo xadhgudubiyada ay Xukumada Madaxweyne Siilanyo caadaysatay ee ay kuhayso Suxufiyiinta Madax banaan iyo xarumaha warbaahineed ee Madaxbanaan oo qaarkood mudo sanado ah albaabadu xidhan yihiin sida wargeyska Haatuf oo kale.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews