berberatoday.com
AWR XAMILKII WUU QAADAA, XADHIG QALOOCAN SE MA QAADO…!QALINKII. Mohamed Gacayte
June 26, 2016 - Written by Berbera Today

Bulshada iyo Xisbiyada Mucaaridku Xaq bay u leeyihiin inay ka hadlaan waxa ay Xukuumada qaloocinayso, Waana lagu dhaliilayaa waxa qaldan iyo xadgudubyada aan sharciga waafaqsanayn ee Xukuumada Kulmiye doonayso inay dadka ku cabudhiso.

Waxaan Xasuustay Waqtiyadii Dagaalada ee Daydayga iyo Dhul jiifku Wadooyinka Hareeraheeda Intay Galaan, Dadka Iska Afduubi Jirey. Ismaan Lahayn Xukuumad Lasoo Doortay Ayaa Shacabka Jidgooyo iyo Afduub Ku Samayndoonta Iyada oonay Jirin Wax Danbi ah oo ay Galeen. Xukuumada Kulmiye ee Gadhwadeenka uu Ka Yahay Madaxweyne Siilaanyo Waxay Maraysaa In Sidii Argagaxisada Dariiqyada Layska Afduubo. Maahmaah Soomaaliyeed Ayaa Ahayd “Awr Xamilkiis Wuu Qaadaa, Balse  Xadhig Qaloocan Ma Qaato”. Shacabka Somaliland marnaba aqbali maayaan xadhiga qaloocan iyo xadgudubyada siyaasiga ah ee ay hadhaysay Dulmiga iyo Cadaalad darada xadhkaha goostay oo maraya Car Juuqdheh. 
 
Bulshada iyo Xisbiyada Mucaaridku Xaq bay u leeyihiin inay ka hadlaan waxa ay Xukuumada qaloocinayso, Waana lagu dhaliilayaa waxa qaldan iyo xadgudubyada aan sharciga waafaqsanayn ee Xukuumada Kulmiye doonayso inay dadka ku cabudhiso.  Xoriyada hadalka iyo Mudaharaadada Salmiga ahiba waa qodobo dastuuri ah oo shacabku dareenkooda ku muujin karaan gabood falada iyo hagardaamooyinka halista ku ah Qaranimada ee la doonayo in xididka loogu siibayo halbawlayaashii dhaqaale ee dakhliga Dawladu kasoo Baxo. Inagoo ka warhayna xaalufka arxan darada ah iyo boobka cadaanka ah ee lagu hayo hantidii umadu wada lahayd.
Bal aynu ku yar nasano Abwaan Jaamac-Riyo, Ereyo ka mid ah Heestii “SOO DAATA” iyo Xaalada Maanta ee Xukuumada Kulmiye.
“Danqaabadii aad abuurtay
Dix iyo ceel lama wadaago
Sidaad duulaan tihiin
Dalkiyo beeshaba qabsaday
Degmadu tiinii ahayn
Hadhuubkiyo doobigii
Markaw darandoorideen
Dushiinay ceebi timide Soo daata
Kuwii idinkaa ka daran soo data
Diir iyo ayax oomanoow ka data”
Xukuumada Kulmiye waxay u xuubsiibatay Xatooyo, Xoolo Urursi; Musuqmaasuq, Maamul Xumo iyo Boobka Hantida Umada. Intaas waxay ku darsatay Cadaadis iyo Cabudhinta Xoriyada Saxaafada. Waxay caadaysatay xadhig joogta in qofkii hadlaba xabsiga loo taxaabo iyadoon wax Waaran ahna aanay sidan Boolisku. Sidaas darteed waxaan leeyahay Xukuumada Kulmiye Xadhigu joojin maayo Rabitaanka Shacabka.
Ilaahay sida khayrku ku jiro hayna waafajiyo 
W/Q. Mohamed Gacayte 
Hargeisa. Somaliland 
Gacayte09@gmail.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews