berberatoday.com
Laba Agaasime Guud Oo Kasoo Jeeda Gobolka Saaxil Oo Dagaal Gacan-kahadal Ahi Dhexmarey Hutel Hargeysa Kuyaala Iyo Sababta Dagaalka Keentay
June 27, 2016 - Written by Berbera Today

agaasmayaalHargeysa(Berberatoday.com)-Agaasimayaasha Guud ee Wasaarada Diinta yo Awqaafta Sheekh Saleebaan Siciid Cali,iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Maxamed Cilmi Aadan(ilkacase),ayaa isku gacan saarey Huteelka Like-Asal ee Magaalada Hargeysa kadib markii ay isku afdhaafeen arimo kulan ay kuwada lahaayeen halkaasi Masuulyiin kasoo jeeda Gobolkaas.

Ilaa iyo hada lama oga sababta dhabta ah ee ay labadan masuul isku gacansaareen haseyeeshee, waxa dagaalkoodan culus ee dhexmarey goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka Awdal Maxamud Cali Saleebaan(Ramaax) oo aan holanin in uu labada masuul ku kala ladqabeeyo ismaandhaafkooda sababey dagaalka gacan kahadalka ah sidoo kale waxa iyaguna goob joog ka ahaa kulankaas wasiirka Arimaha debeda Sacad Cali Shire, wasiirom Kuxigeenada Xanaanada Xoolaha Iyo Warshadaha Cali Dhegoole iyo Cali Gadheer

kulankan oo aan sicad loo ogayn ujeedadiisa ayaa la sheegay in lagaga hadlaayay sidii shacab reer Saaxil ee kacsan looga dhaadhicin lahaa inay soo dhaweeyeen kireynta Dekeda Berbera sidoo kale waxa la sheegay in shirkaasi lagu kala qeyb samay oo la noqday laba group oo kala ah Sheekh Saleebaan, Ramaax Iyo Cali Dhegoole oo group taageersan ah in Dekeda la wareejiyo Iyo groupka kale oo ah Cali Gadheer, Maxamed Ilkacase iyo Madaxa Raashinka Haayada WFP-da oo dhinac ah iyo Sacad Cali shire oo cidla taagan kaligii. Isfara saarka ayaa waxa keenay inuu Agaasimaha guud ee Diinta Iyo Awqaaftu doonay inuu carqiladeeyo Su,aalo uu agaasimaha Guud ee wasaarada warfaafintu weydiinaayay wasiir Sacad Cali shire kuwaas oo ahaa maxaa Gobolka Saaxil iyo dadka ilaahay ku abuuray ee dagan Heshiiska Dekeda ugu jira su,aalahaas ayuu Agaasime Saleeban kuyidhi soo gaabi su,aalaha sidaas ayaa dagaalku kuyimi sida ay sheegayaa warar aanu ka helay dad xogogaal ah oo kudhawdhaw kulankaasi. Kulankaasi ayaa gabi ahaanba kusoo dhamaaday natiijo la,aan iyo kala qeybsanaan soo waajahday Masuuliyiintii kaga jirtay Xukumada Siilanyo Gobolka Saaxil

Mudooyinkan dambe,waxa ka dhextaagnaa Masuulyiinta Xukuumada kujira ee kasoo jeeda Goblka Saaxil arimo isku labeeyay oo ay kamid yihiin taageerada Xisbiga Kulmiye oo ay ku kula aragti duwan yihiin iyo arinta Wareejinta Dekedda Berbera oo midba midka kale ku wanjalo in uu kasoo horjeedo……..

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews