berberatoday.com
Isku Aadka Wareega Siddeeda Euro 2016 Oo La Soo Saaray Iyo Sida Ay Isugu Dhaceen
June 28, 2016 - Written by Berbera Today

uerro

Paris(Berberatoday.com)-Kadib markii xulalka Italy iyo Iceland u kala quus gooyeen Spain iyo England ayaa waxaa soo dhammaaday kulamadii wareega 16-ka kooxood ee tartanka Euro 2016, waxaana haatan iskugu soo hadhay 8 xul.Wareega siddeed dhammaadku waxa uu bilaabmi doonaa habeenka Khamiista ee 30-ka June, iyadoo xulalka Portugal iyo Poland ay isku arki doonaan garoonka Stade Vélodrome ee magaaladda Marseille, waxaana uu sii socon doonaa ilaa iyo maalinta Axada iyadoo maalin walba kulan la ciyaarayo weliba marka ay saacadda Geeska Afriku tahay 10-ka habeenimo.

uero

Xulalka Wales iyo Belgium ayaa habeenka Jimcaha 1-da July isku balansan waxayna ku wada ciyaari doonaan garoonka Stade Pierre-Mauroy ee magaaladda Lille. Habeenka Sabtida ee 2-da July waxaa dhacaya kulanka la wada sugayo ee Germany iyo Italy, waxay isku arki doonaan garoonka Matmut Atlantique ee magaaladda Bordeaux.

 

Sidoo kale kulan adag ayaa lagu soo afmeerayaa wareega siddeeda iyadoo France iyo Iceland ay habeenka Axada ku wada ciyaari doonaan Stade de France ee magaaladda Paris. Waxaa xiiso leh in Semi Finalka ay sidoo kale kulamo adag ka soo bixi doonaan, xulkii soo badiya Portugal iyo Poland ayaa 6-da bisha July waxa ay la ciyaari doonaan Semi Finalka xulkii soo badiya Wales iyo Belgium.

 

Kulanka kale ee Semi Finalka waxa uu 7-da bisha July u dhaxeyn doonaa xulkii soo badiya Germany iyo Italy iyo weliba xulkii soo badiya France iyo Iceland.

uerro

Kulamadda Wareega Siddeeda ee Euro 2016:

Khamiis – Poland v Portugal

Jimce – Wales v Belgium

Sabti – Germany v Italy

Axad – France v Iceland

 

Kulamadda Semi Finalka Euro 2016:

Arbaca – 6-da bisha July

Poland/Portugal v Wales/Belgium

Khamiis – 7-da bisha July

Germany/Italy v France/Iceland

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews