berberatoday.com
Madaxwaynaha Somaliland Oo Kulan Deg Deg Ah Iskugu Yeedhay Masuuliyiinta Saddexda Xisbi Qaran Iyo Shirgudoonka Golaha Wakiilada Somaliland Iyo Nuxurka Qodobada Lagaga Wada Hadlay
June 28, 2016 - Written by Berbera Today

Hargaysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, Isagoo ka duulaya in goorwalba, talo qaran lagu waajaho habsami u socodka doorashada xor iyo xalaala oo wakhtigeedii ku qabsoonta, ayaa maanta oo ah 28-06-2016, wuxu isugu yeedhay shir guddoonka aqalka wakiilada Somaliland, iyo hoggaanka seddexda xisbi qaran, waxanay yeesheen shir qaatay laba saacadood oo ku qabsoomay hoolka shirarka ee qasriga madaxtooyada, shirkan oo uu gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Wasiirka Madaxtooyada iyo Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada, ayaa iyaguna xaadir ku ahaa dhinacyada madaxweynuhu u yeedhay oo si miisaanleh uga soo qaybgalay.

6-13-600x400

Madaxweynaha ayaa markiiba u qadimay ujeedada yeedhmada oo ahaa hadal kooban waxaanu yidhi “Ugu horreyn, waxaan jecelahay inaan idiinka mahad-naqo sida aad u soo ajiibteen kulankii aan idiinku yeedhay.

Sharaf weyn bay ii tahay in aan maanta idinku soo marti-qaado kulankan muhiimada weyn leh ee dulucdiisu tahay in aynu ka wada-hadalno arrimaha doorashooyinka iyo diiwaangelinta ka bilaabmi doonta Gobollada Sanaag iyo Sool.

Mudanayaal, sida aad la socotaan waxa inoo qorshaysan inaynu qabano ama meel-marino 27-ka March, 2017-ka doorashooyinkii Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada.

Sidaa darteed, si aynu u xaqiijino himiladaa qaran waxay inooga baahan tahay talo adag, tabaabulshe iyo tawfiiq.

Madaxweyne ahaan waxa iga go’an in aan suurta-galiyo doorashooyinkaa xiligii loogu talo-galay, Eebbe idamkii.

Hase-yeeshee, waxa inala deris ah xaqiiqdii caqabado ku gedaaman doorashada wakiillada, taas oo salka ku haysa qaybinta kuraasta aqalka cusub.

Mudanayaal,

Haddaba, waxaan idiinku yeedhay in laga yeesho talo midaysan, gaar ahaanna aad wada tashi mug leh ka yeelataan saddexdiina xisbi qaran iyo shir-guddoonka wakiiladu, si xal loogu helo qaybinta kuraasta baarlamaanka.

Ugu dambayn, waxaan idinka rajaynayaa in aad gaadhaan go’aan midaysan oo xal u noqon kara qaybinta kuraasta Golaha Wakiillada, isla markaana wax-tar u ah dalka iyo dadka.

Waxa kale oo aan idinka rajaynayaa in aynu si midaysan uga hawlgalno diiwaangelinta gobollada Sool Iyo Sanaag, oo qarankan ugu fadhida qiimo-weyn oo siyaasadeed.

Gudoomiyeyaasha seddexda xisbi qaran iyo xubnaha shir-guddoonka wakiilada oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa madaxweynaha uga mahadnaqay kulanka uu u qabtay, waxanay aaraah tiro badnayd ka soo jeediyey ujeedada Madaxweynuhu ugu yeedhay oo faallooyin badan ay ka bixiyeen sida ugu habboon ee loo hirgelinayo diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee Sool iyo Sanaag, iyo qodobka falanqaynta adag ee ku saabsan saami qaybsiga golaha wakiilada, waxana hadalka masuuliyiintu ku wareegayey, sida loo maaraynayo dhaqaalaha ay u baahan tahay habsocodka diiwaangelinta codbixiyeyaasha gobolada hadhsan.

Qodobka dhaqaalaha ku baxaya diiwaangelinta codbixiyeyaasha Sool iyo Sanaag ayaa laysla qaatay, in meelaha laga baadhayo dhaqaalahaasi ay ka mid noqoto codsi loo diro, kulamana  lagala yeesho dhunacyada Maraykanka iyo Midawga Yurub gaar ahaan Jarmalka oo ah muruq dhaqaale, laguna qaban doono dhawaan shir dhinaca ganacsiga iyo maalgashiga ah oo u dhexeeya Somaliland iyo Jarmalka.

Dhinaca kale qodobka intii fadhigu socday qaatay wakhtiga intiisi badnayd wuxu ahaa kan saami qaybsiga golaha wakiilada. Waxaana halkaa laga soo jeediyey warbixin ah in markii gudiga arrimaha gudaha iyo nabadgelyada ee golaha wakiiladu ay sahan ugu baxeen gobolada waa weyn ee dalka lana kulmiyeen waxgaradka iyo odayaasha goboladaasi ay soo baxday in gobol waliba uu aaminsan yahay inuu yahay kan ugu dadka badan, uguna dulman marka la eego tirada ugu jirta golaha wakiilada, taasi oo muujinaysa sida qodobka saami qaybsiga golaha wakiiladu u adag yahay.

Saddexda Xisbi qaran ayaa soo jeediyey inay fadhi danbe ka yeeshaan una talo badsadaan, qodobkaa saami qaybsiga iyaga iyo shir gudoonka wakiilada iyo gudida doorashooyinkuna ay kulmaan sida ugu dhakhsaha badan.

Markii laga soo baxay shirka ayaa waxa warbaahinta la hadlay saddexda gudoomiye ee saddexda xisbi qaran, Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

1-188-600x4004-21-600x368

 Berberatoday.com)-

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews