berberatoday.com
Talyaaniga Oo Karbaashay Xulka Kubada Cagta Dalka Spain Kana Reebay Koobka Qaramada Yurub+Daawo Sawirada
June 28, 2016 - Written by Berbera Today

Paris(Berberatoday.com)-Xulka qaranka talyaaniga ayaa soo gabagabeeyay guul la’aantii ka haysatay 22 sano xulka qaranka Spain kadib markii ay ugu awood sheegteen 2-0, talyaaniga ayaana u gudbay wareega 8-dhamaadka ee Euro 2016.

Ciyaartoyda xulka qaranka talyaaniga ayaa ciyaarta ku soo galay dardar xoogan iyaga oo layaab iyo anfariir ka raacsiiyay ciyaartoyda xulka Spain.

Xulka qaranka talyaaniga ayaa iska khasaariyay fursado badan oo ay hogaanka ku qaban kareen laakiin goolhaye David De Gea ayaa xabadka u garaacday kubadd walba oo ka timaada dhanka talyaaniga.

33 daqiiqo Chiellini ayaa hogaanka u dhiibay xulkiisa talyaaniga kadib markii uu shabaqa dhex dhigay kubadd uu soo tufay goolhaye David De Gea wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-0.

Xulka qaranka talyaaniga ayaa u qalmay inay ku adkaadaan 4-0 qaybtii hore laakiin waxay ku soo idlaatay 1-0.

Qaybtii dambe tababare del Bosque ayaa isbadal ku sameeyay ciyaarta, xulka Spain ayaa isku dayay inuu soo barbareeyo laakiin uma suurogalin.

Eder iyo Morata ayaa laba fursadood oo halis ah ka khasaariyay xulalkooda De Gea iyo Buffon ayaana badbaadiyay laba kubadood oo wax kabadali lahaa natiijada ciyaarta.

Dhamaadkii ciyaarta Pique ayaa ka khasaariyay xulkiisa fursad dahabi ahayd oo soo martay laakiin goolhaye Buffon ayaa banaanka isaga saaray kubadaas.

Daqiiqad kadib Pelle ayaa quusiyay xulka qaranka Spain kadib markii uu goolhaye De Gea dabamariyay kubadd ku soo dhacday daafaca wuxuuna ka dhigay ciyaarta 2-0.

Ciyaarta ayaana ku soo idlaatay 2-0 oo ay guushu ku raacday xulka qaranka Italy oo la ciyaari doona wareega 8-dhamaadka xulka qaranka Germany.

b25b26b27b28b29b30b31b32b33b34b35b36b37b38

bb1b2b3b4b5b6b7b8b9b10b11b12b13 b14b15b16b17b18b19b20b22b23b24

Gool FM

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews